Xog cusub: CC Sharmaarke oo dhaqaale xoogan ku kala dilaaya Xildhibaanada BFS

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa khilaaf Siyaasadeedka ka dhex aloosan baarlamaanka Somalia kaa oo laba garab u kala jabiyay Xildhibaanada.

Khilaafka baarlamaanka ayaa la sheegay inuu cirka isku sii shareeray kadib markii Ra’isul wasaarihii hore ee dalka ahna Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare CCC Sharmaarke uu dhaqaale xoogan ku wareejiyay Guddoomiyaha baarlamaanka Jawaari.

CCC Sharmaarke, ayaa la xaqiijiyay in dhaqaalahaasi uu kala imaaday dalka Isutaga Imaaraadka Carabta waxa uuna xiligaan dhex-dhexaad u yahay Dowlada Imaaraadka , Guddoomiye Jawaari iyo Xildhibaanada baarlamaanka oo uu ku kasbanaayo dhan dhaqaale.

CCC Sharmaarke oo si cad u garabsiinaaya Guddoomiye Jawaari, ayaa siyaabo kala duwan Xildhibaanada Mooshinka wada iyo kuwa aan Mooshinka wadin kulamo gaar gaar ah kula yeesha Hoteelada.

Mid kamid ah Xildhibaanada Mooshinka kawada Jawaari kana qeybgalay kulamada uu Hoteelada ku qabanaayo Ra’isul wasaarihii hore ee dalka ayaa inoo xaqiijiyay in CCC Sharmaarke uu dhibaato ku hayo dalka.

Waxa uu sheegay in CCC Sharmaarke uu aad uga soo horjeedo in cadaalad iyo kala danbeyn ka dhalato Somalia, waxa uuna cod dheer ku sheegay in dhaqaale xoogan uu ku bixinaayo in kala jabinta baarlamaanka.

Waxa uu intaa ku daray in CCC Sharmaarke uu Xildhibaanada qaar dhaqaale kusiinayo si looga soo horjeesto garabka Mooshinka kawada Jawaari, hase ahaatee waxa uu cadeeyay inaanu taa dhici doonin, isla markaana ay xilka ka xayuubin doonaan Jawaari.

Docda kale, waxa uu CCC Sharmaarke uga digay inuu kala jabsho Xildhibaanada isagoo ay u muuqato in dhaqaalaha uu kasoo qaaday Imaaraadka uu ku meelmariyo burburinta Mooshinka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com