Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka Axmed Macallin Fiqi ayaa hanjabaad kulul u jeediyay kooxaha mucaaradka ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.
Wasiir Fiqi hadal uu jeediyay wuxuu ku sheegay in aysan jirin cid mucaaradka ka tirsan oo weerar lagu yahay, balse wuxuu ka digay cid kasta oo maliishiyaad hubeysan soo kaxaysata in gacmaha la jabin doono cideey doonto ha ahaado.
“Wax idiin soo weeraraya ma jiraan, walaa xoogga dalka, nabadsugid iyo boolis, haddii la idiin soo weerarayo af-xumadiina iyo dhaqan xumadiina mar hore la qaban lahaa, cid idiin soo socota ma jirto, laakiin maliishiyaad maalinkaad qaadataan gacmahaa la idinka jabinayaa” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Faqi.
“Hadalkaygii maanta waxaa uu tilmaamayay dhacdo laga soo gudbay oo kooxdani ay si bareer ah ku weerareen ayagoo hubaysan saldhigga Degmada Wardhiigley sanadkii hore bishii September, oo dawladdu aysan ka falcelin weerarkoodii, haddii laga falcelin lahaana uu xaalku intaas ka xumaan lahaa” ayuu yiri wasiir Fiqi.
Axmed Macalin Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay mara habaabinta kooxaha mucaaradka ay ku hayaan bulshada, taasoo uu sheegay inay soo afjarantay 15-ka May oo ay mucaaradka ku baaqeen dibadbax ka dhan dowladda balse cid usoo baxda, dhaqal siisayna in ciyaalka xaafadaha ay ku maadeystaan.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay hanjabaad uu jeediyay wasiirka. Qoraal kasoo baxay Goluhu wuxuu ku sheegay in hadallada Wasiir Fiqi aysan u arkin kuwo shaqsiyeed, balse ay ka tarjumayaan sida ay hadalka u dhigeen qorshe siyaasadeed oo uu ku madalayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyadoo lagu gambanayo amni iyo xasilooni.
“Goluhu wuxuu ugu baaqayaa ciidamada qalabka sida in ay ilaaliyaan dastuurka iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed, kana fogaadaan ku milanka loolanka siyaasadeed isla markaana ay diidaan amar kasta oo sharci daro ah oo ka yimaada shaqsi mudo xileedkiisa dhamaaday” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Golaha Mustaqbalka.
Goluhu waxay sheegeen in Soomaaliya ay leedahay waaya aragnimo xanuun badan oo la xariirta hanjabaad, caburin iyo adeegsiga awood ciidan si dano siyaasadeed loogu gaaro, waxayna mas’uuliyada wixii ka dhasha ay u jeediyeen inuu leeyahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Xiisadaha siyaasadeed ee mucaaradka iyo dowladda ayaa meel adag maraysa, iyadoo daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya ay ku howlan yihiin xal u helida muranka siyaasadeed ee ka dhashay mudo xileedka dowladda oo ku ekaa 15-ka May.

