Minneaspoli (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa amar ku bixiyay howlgal ballaaran oo ka dhan ah dadka soo-galootiga ah ee ku dhaqan gobolka Minnesota, kaas oo si gaar ah u beegsanaya jaaliyadda Soomaaliyeed, tallaabadan oo timid maalmo un kadib maalmo uu jeedinayey hadallo xanaf leh oo aad u kulul, isaga oo Soomaalida Mareykanka ku tilmaamay “qashin.”
Sida uu qoray wargeyska The New York Times, Waaxda Socdaalka iyo Kastamka (ICE) ayaa Minnesota geysay ku dhawaad 100 askari oo laga soo kala ururiyay gobollada dalka, si ay u sameeyaan kooxo u qaabilsan “weerarka degdegga ah” oo ka hawlgala agagaarka magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis iyo St. Paul.
Saraakiisha ayaa sheegay in howlgalkani uu diiradda saarayo Soomaalida haysta amarka kama-dambaysta ah ee masaafurinta, balse waxaa jirta cabsi xooggan oo ah in howlgalka uu saameeyo dadka kale ee kiisaskooda socdaalka ay weli horyaallaan maxkamadaha.
Amarkan cusub ayaa soo baxay isla maalinkii Talaadada oo Trump uu weerar afka ah oo aan loo meel-dayin ku qaaday Soomaalida intii uu socday kulankii Golaha Wasiirrada. Madaxweynaha ayaa sheegay in soo-galootiga Soomaalida ah ay “ka yimaadeen jahannamo,” “aysanna waxba kusoo kordhin dalka,” isaga oo raaciyay inay tahay “inay ku laabtaan halkii ay ka yimaadeen.”
Wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay Ilhaan Cumar, oo ah xildhibaanad ka tirsan Aqalka Wakiillada oo asal ahaan kasoo jeedda Soomaaliya, isaga oo iyada iyo saaxiibadeedba Soomaalida ku tilmaamay “qashin.”
Masuuliyiinta Waaxda Amniga Gudaha (Homeland Security) ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan qaabka uu howlgalku u dhacayo, balse waxay ku doodeen in tallaabooyinka la qaadayo ay ku saleysan yihiin xaaladda sharciga ee dadka, balse aysan shaqo ku lahayn qowmiyad ama isir.
Falcelinta iyo cambaareynta Minnesota
Barasaabka Gobolka Minnesota, Tim Walz, ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabadan, wuxuuna ku tilmaamay “riwaayad siyaasadeed” (PR stunt) oo lagu beegsanayo soo-galootiga halkii wax laga qaban lahaa dembiyada dhabta ah. “In la jilo riwaayad siyaasadeed, islamarkaana si aan kala sooc lahayn loo beegsado soo-galootiga ma ahan xal dhab ah,” ayuu Walz ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X.
Duqa magaalada Minneapolis, Jacob Frey, ayaa isna dhankiisa ka digay in weerarradan ay halis gelin karaan in xabsiga loo taxaabo muwaadiniin Mareykan ah, wuxuuna tallaabadan ku tilmaamay mid keeni karta “xad-gudubyo dastuuri ah oo waaweyn.”
Labada magaalo ee Minneapolis iyo St. Paul ayaa leh siyaasado magangalyo (sanctuary policies) oo xaddidaya la-shaqeynta ciidamada federaalka ee socdaalka.
Dhinaca kale, u-doodayaasha xuquuqda soo-galootiga ayaa sheegay in calaamadihii ugu horreeyay ee howlgalkan la dareemay Talaadadii, iyada oo ay soo baxayaan warar sheegaya in dad Soomaali ah ay ciidamada federaalka kala dageen gaadiidka.
Kooxaha u dooda bulshada ayaa durba sameeyay khadad taleefan oo gargaar sharci ah iyo kooxo degdeg uga jawaaba xaaladaha soo kordha si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa ciidamada.
Weerarradan ayaa qeyb ka ah qorshaha sii kordhaya ee Trump ee ka dhanka ah soo-galootiga. Xoghaya Amniga Gudaha, Kristi Noem, ayaa soo jeedisay in “gebi ahaanba la mamnuuco” dadka ka imaanaya waddamada ay sheegtay inay dalka kusoo daadinayaan “dilaayaal iyo dhiig-miirato,” hadalkaas oo si weyn loogu fasiray in loola jeedo waddamada Afrika iyo kuwa Muslimiinta ah, gaar ahaan Soomaaliya.
Maamulka ayaa sidoo kale u guntaday inuu soo afjaro sharciga Badbaadada Ku-meel-gaarka ah (TPS) ee dadka Soomaaliyeed, kaas oo kumanaan qof u oggolaaday inay si sharci ah ku noolaadaan, kana shaqeystaan Mareykanka muddo tobanaan sano ah.
Bulsho wadnaha Farta ku haysa
Gobolka Minnesota waxaa ku nool qiyaastii 84,000 oo Soomaali-Mareykan ah — waana tirada ugu badan ee Soomaalida Mareykanka ku dhaqan — iyada oo saddex meelood oo meel dadkaasi ay yihiin muwaadiniin haysta dhalashada Mareykanka. Intooda badan waxay dalka soo gaareen sagaashameeyadii iyagoo ah qaxooti ka cararay dagaalladii sokeeye.
Hoggaamiyeyaasha bulshada ayaa sheegay in hadallada Trump ay dib usoo nooleeyeen cabsida iyo nacaybka loo qabo Soomaalida Mareykanka.
“Bulshadeenna horay ayay usoo martay xaalad cabsi ah,” ayuu yiri Jamal Cusmaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee Minneapolis. “Ma oggolaan doonno inay na kala qeybiyaan.”
U-doodayaasha ayaa ka digaya in isku-dhafka howlgallada arxanka daran, luuqadda cunsuriyadda ku dhisan, iyo sharciyada la laalayo ay qoysaska Soomaaliyeed ku qasbi karaan inay dhuumaaleysi galaan.
“Erayada Trump waxay leeyihiin cawaaqib xun,” ayuu yiri Jaylaani Xuseen oo ka tirsan hay’adda CAIR ee Minnesota. “Marka uu madaxweynuhu bulsho dhan ku tilmaamo ‘qashin,’ waxay taasi fasax u siinaysaa dadka kale inay tacadiyo geystaan.”
Xilligan la joogo, qoysaska Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalooyinka mataanaha ah ayaa sheegaya inay baajiyeen safarradoodii, islamarkaana ay ka fogaanayaan goobaha dadweynaha isugu yimaadaan, iyagoo si feejigan u sugaya halka ay ku dambeyn doonaan tallaabooyinka ay qaadayaan “kooxaha weerarka” ee dowladda federaalka.

