Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka beeraha iyo waraabka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka dariyay xaaladda Somaliland oo deegaan ahaan uu kasoo jeedo.
Maareeye ayaa qoraalkiisa ku caddeeyay 4 qodob oo uu la yaabay, isla markaana muddo dheer ka jira magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.
Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay sidaan kusii jiri karin, isla markaana haddii laga fagsan waayo uu isagu tagi doono.
“Waxaa iga yaabiyay sida ay Somaliland uga sii shaqeyn karto siyaasad foorarta oo xifaaltanka Hargeysa ku filan, laakiin aan fahmin karin waxa ka socda gobolada ku wareegsan, geeska Africa iyo caalamka, iyo 30 Sano been cad laysu sheegayo, oo nin waar ka daaya dhahaya lahayn” ayuu yiri Wasiir Maareeye. Ogaada, hadaan si degdeg rag taliya loo helin, hada ka fursan mayso in aan anigu tago oo dalka iyo dadka meel uun u tujiyo!” Ayuu yiri Wasiir Maareeye
Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammaystiran;
Afar arimood oo Hargeysa iyo Somaliland mudo sanooyin ah ka dhex socda ayaa iga yaabiyey siday u sii shaqeyn karayaan.
1. Talo xumo time dhaaftay oo aan cid dib u qiimeynaysa lahayn.
2. Qof masuuliyad sheegana oo iskaga hadlaya af-xumo aan loo meel dejin, badiil siyaasadeed lahayn, oo dadkii nabadna ka kaxaysay, colaad wax ugu tarin.
3. Odayaal Koofiyado xunxun oo jifo qabiil sheeganaya oo saf ku jira oo isu jiibinaya colaad iyo caay ku wajahan dawladda iyo jufi kale oo ay Hargeysa wada degaan oo cid wax ka qabanaysaa oo xidhxidhaysa lahayn.
4. Siyaasad foorarta oo xifaaltanka Hargeysa ku filan, laakiin aan fahmin karin waxa ka socda gobolada ku wareegsan, geeska Africa iyo caalamka, iyo 30 Sano been cad laysu sheegayo, oo nin waar ka daaya dhahaya lahayn,
Ogaada, hadaan si degdeg rag taliya loo helin, hada ka fursan mayso in aan anigu tago oo dalka iyo dadka meel uun u tujiyo!.

