26 C
Mogadishu
Sunday, December 7, 2025

Kadib guushii taariikhiga ee Soomaaliya, wafdi culus oo yimid Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi ka socda dowladda UK oo ay hoggaaminaysay Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ahna Ku-xigeenka Wakiilka Joogtada ah ee UK ee Geneva, Eleanor Sanders ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho kadib guushii Soomaaliya ee Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa dhawaan heshay aqoonsiga guddigeeda xuquuqal insaanka, taasoo muddo 34 ah Qaramada Midoobay soo magacaabaysay, taas oo horumar weyn u ah ilaalinta iyo kor u qaadida xuquuqal insaanka gudaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdiga ay hoggaaminayso Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha, ahna Ku-xigeenka Wakiilka Joogtada ah ee UK ee Geneva, Marwo Eleanor Sanders.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa dowladda UK ugu hambalyeeyay kursiga dhowaan loo doortay ee ah in ay ka mid noqoto Golaha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay.

Sidoo kale wuxuu uga mahad-celiyay kaalintii ay UK ku lahayd guulihii ay dowladda Soomaaliya ka gaartay qaadistii cunaqabataynta hubka, deyn-cafinta, iyo dib-u-la soo noqoshada Soomaaliya ee kursiga xuquuqda aadanaha ee QM.

Mudane Xamza oo warbixin siinayey wafdiga ayaa xusay in Soomaaliya ay hadda yeelatay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha, oo dhowaan ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka, isaga oo tilmaamay in dhammaan xubnaha guddiga lagu soo xulay karti, aqoon iyo waaya-aragnimo.

Danjiraha UK ee Xuquuqda Aadanaha, Marwo Eleanor Sanders ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadcelisay qaabilaadda, waxa ayna ku bogaadisay horumarka laga sameeyay arrimaha xuquuqda aadanaha ee dalka.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehelinaysay Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa Danjiraha guddoonsiiyay shahaado sharaf muujinaysa doorka UK ee garab istaagga Soomaaliya.

Si kastaba, booqashada Eleanor Sanders ayaa lagu sheegay mid taariikhi ah, iyadoo Sanders ay door muhiim ah ka ciyaartay diyaarinta qaraarka ay Soomaaliya ku heshay aqoonsiga guddigeeda xuquuqal insaanka.

- Advertisement -

Read more

Local News