Donald Trump oo mar kale caddeeyay mowqifkiisa ku aadan habka Sacuudiga u sheegtay dilka Kaashogji

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ku celshay mowqifkiisa ah inuusan ku qanci doonin sida ay boqortooyada Sacuudiga uga hadashay arrinta dilka suxufiga Jamaal Kaashogji.

Donald Trump, waxa uu sheegay inuu qabo dareen ah in dhaxalsugaha Sacuudiga Bin Salmaan uusan macluumaad buuxa ka heyn dilka Kaashogji, balse uu xukuumada kula xisaabtami doono.

Wargeysyada oo xiganaayay nuqulo kamid ah haddalka Donald Trump ayaa ahaa “Kuma qanacsani warbixinta tan iyo inta laga helayo jawaab cad waxaanu sugeynaa jawaab celinta Sacuudiga”

Donald Trump, isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaa ku daray inay suuragal tahay in cunabatayn dhanka hubka ah lagu soo roggo Sucuudiga.

Donald Trump, waxa uu sheegay in go’aankaasi ay dhibaato weyn u horseedi karto Mareykanka oo ka badan midda Sucuudiga uu la kulmi karo, sida uu hadalka u dhigay.

Dowlada Donald Trump ee Mareykanka ayaa goor hore sheegtay in haddii la xaqiijiyo in Sacuudiga ay ku lug leeyihiin dilka saxafigan ay cawaaqib xun kala kulmi doonaan.

Taa bedelkeeda Jaraa’idyada kasoo baxa dalka Sacuudiga oo xiganaaya madaxda Xukuumada Sacuudiga ayaa sheegay in weriye Jamaal Kaashogji uu geeriyooday kaddib markii uu ku dhintay dagaal ka dhacay qunsuliyadda gudaheeda xilli uu halkaasi joogay.

Dhinaca kale, Donald Trump ayaa qaab khaldan ku taageeraya dowlada Sacuudiga waxa uuna doonayaa in kiiska dilka uu ka weeceyi dhaxalsugaha dalkaas Bin Salmaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com