Arag sawiro: Shirka madax gobaleedyada Somalia oo maanta ka furmay Garowe

Garoowe (Caasimdda Online) – Shirka Madaxda Maamul Gobaleedyada ayaa Goordhow ka furmay Magaalada Garoowe ee Gobalka Nugal.

Madaxweynayaasha Maamulada ,Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa ku sugan Magaalada Garowe, halka Maamulka Hirshabelle uusan ka qeyb galeynin Shirka ka dhacaya Magaaladaasi.

Shirka ayaa Maanta waxaa looga hadli doono Arimaha Dastuurka, siyaasada dalka, doorashada 2020 iyo qodobo kale sida uu warbaahinta u sheegay Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas.

Gaba gabada Shirka ayaa la filayaa in ay warmurtiyeed ka soo saaraan Madaxda Dowlad Gobaleedyada ee ku shiraya Magaalada Garoowe.