New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar lagu taageerayo sheegashada Morocco ee dhulka lagu muransan yahay ee Saxaraha Galbeed, taasoo ah tallaabo la jaanqaadaysa taageerada maamulka Trump ee dalkaasi Waqooyiga Afrika ku yaalla.
In kasta oo codbixintu ay ahayd mid lagu kala qaybsanaa, haddana qaraarku wuxuu bixinayaa taageeradii ugu xoogganayd ee abid la siiyo qorshaha Morocco ee ah inay sii haysato madax-bannaanida dhulkaas, kaasi oo sidoo kale haysta taageerada inta badan xubnaha Midowga Yurub iyo xulafada Afrikaanka ah ee soo badanaya.
Taageerada Trump ee Morocco
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu bishii Luuliyo dib u xaqiijiyay taageerada uu u hayo gobannimada Morocco ee Saxaraha Galbeed, isagoo sheegay in qorshaha is-maamulka Morocco ee dhulkaas uu yahay xalka kaliya. Ergayga Trump ee Steve Witkoff wuxuu horay u sheegay in Mareykanku uu ka shaqeynayo heshiis nabadeed oo dhex mara Algeria iyo Morocco.
Maamulkii hore ee Trump ayaa Morocco la galay heshiis 2020-kii, kaasi oo Morocco qeyb uga noqotay Heshiisyadii Abraham (Abraham Accords) Heshiisyadii Abraham (Abraham Accords) waxay fududeeyeen hishiis uu Mareykanku ku aqoonsaday gobannimada Morocco ee Saxaraha Galbeed, taasoo beddelkeeda Morocco ay xiriir caadi ah la yeelatay Israel.
Mowqifkaas Mareykanka waxaa kaddib ku dayatay Israel, oo iyaduna aqoonsatay gobannimada Morocco ee Saxaraha Galbeed bishii Luuliyo 2023, arrintaas oo sii adkeysay xiriirka labada dal ee ka dhex jira qaab-dhismeedka ballaaran ee Heshiisyadaas.
“Mareykanku wuxuu soo dhoweynayaa codbixinta taariikhiga ah ee maanta, taasoo ka faa’iidaysanaysa fursaddan gaarka ah isla markaana dhisaysa dardarta loo hayo nabad muddo aad u dheer la sugayay oo ka dhalata Saxaraha Galbeed,” ayuu yiri Mike Waltz, safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, oo hadlayay codbixinta ka dib.
Qaraarku wuxuu qorshaha Morocco ku tilmaamayaa mid saldhig u ah wada-xaajood. Sida qaraarradii la midka ahaa ee sanadihii hore, qoraalku ma xusayo afti loo qaado aayo-ka-tashi oo ay ku jirto doorashada madaxbannaanida, taasoo ah xalka ay muddo dheer ayidsanaayeen jabhadda madaxbannaani doonka ee Polisario Front (Polisario Front) iyo xulafadeeda, oo ay ku jiraan Algeria, Russia iyo China.
Falcelinta dowladda Morocco
Khudbad naadir ah oo telefishanka Morocco laga sii daayay codbixinta ka dib, ayuu Boqor Mohammed VI ku ammaanay natiijada, wuxuuna ballanqaaday inuu faahfaahin dheeri ah ku kordhin doono soo-jeedinta Morocco. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay wadahadal Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune.
“Waxaan billaabaynaa bog cusub oo ku saabsan hannaanka lagu xoojinayo Morookonimada Saxaraha, iyo in si kama dambays ah loo soo afjaro colaaddan la abuurey,” ayuu yiri boqorka.
Mareykanka, oo qaraarka soo diyaariyey, ayaa hoggaaminayay 11 dal oo oggolaaday, halka saddex dal — Russia, China iyo Pakistan — ay ka aamuseen. Algeria, oo ah dalka ugu weyn ee taageera Polisario, ma aysan codeyn.
Sidi Mohamed Omar, safiirka Polisario ee Qaramada Midoobay, ayaa uga mahadceliyay xulafadii ka aamustay iyo Algeria oo ka horyimid codbixinta, isagoo sheegay in tani “ay si cad u muujinayso in qaraarka maanta uusan micnihiisu ahayn wax aqoonsi ah oo loo fidinayo madaxbannaanida Morocco ee Saxaraha Galbeed.”
“Si kale haddii loo dhigo, oo si cad loo yiraahdo, macnaheedu maaha aqoonsiga gumeysiga sharci-darrada ah ee militariga Morocco ee Saxaraha Galbeed,” ayuu raaciyay.
Saxaraha Galbeed waa dhul saxare ah oo xeebta ku yaal, qani ku ah macdanta fosfeetka le’egna gobolka Colorado ee Mareykanka, wuxuuna gumeysi Spain ku hoos jiray ilaa 1975. Waxaa sheeganaya Morocco iyo Jabhadda Polisario, oo ka hawlgasha xerooyin qaxooti oo ku yaal koonfur-galbeed Algeria, sheegatana inay matasho dadka Sahrawi ee u dhashay dhulka lagu muransan yahay.
Amar Bendjama, safiirka Algeria u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in inkastoo qaraarku uu ka wanaagsan yahay kuwii ka horreeyay, haddana “uu weli leeyahay dhowr dhalliilood.”
Qaraarku wuxuu sheegayaa in “is-maamul dhab ah oo hoos yimaada madaxbannaanida Morocco uu noqon karo xalka ugu macquulsan.”
Tallaabadan ayaa sidoo kale dib loogu cusbooneysiiyay hawlgalka nabad-ilaalinta ee Qaramada Midoobay ee Saxaraha Galbeed muddo sannad kale ah, sida la soo samaynayay in ka badan soddon sano. Si kastaba ha ahaatee, kordhintii hore kuma aysan jirin tixraac ku saabsan natiijada ay doorbidayaan Morocco iyo xulafadeeda.
Codbixintan ayaa timid toddobaadyo ka dib markii ergayga gaarka ah ee Madaxweyne Donald Trump, Steve Witkoff, uu gilgilay gobolka kaddib markii uu barnaamijka “60 Minutes” ee CBS ka sheegay in nabad u dhaxaysa Morocco iyo Algeria lagu gaari karo 60 maalmood gudahood. Dalalkan deriska ah kuma jiraan dagaal, laakiin ma lahan xiriir diblomaasiyadeed muddo afar sano ah.
Massad Boulos, oo ah lataliyaha sare ee Trump u qaabilsan arrimaha Afrika, ayaa ku celiyay taageerada Mareykanka ee qorshaha Morocco, wareysi uu toddobaadkan siiyay Sky News Arabia.
Qaraarka Qaramada Midoobay wuxuu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada ay khusayso inay “ka faa’iidaystaan fursaddan aan hore u soo marin ee nabad waarta.” Iyadoo la eegayo horumarka la sameeyo, wuxuu ka codsanayaa Xoghayaha Guud, Antonio Guterres, inuu dib u eegis ku sameeyo waajibaadka hawlgalka nabad-ilaalinta muddo lix bilood gudahood ah.
Isbeddelkan ayaa khalkhal gelin kara hanaan muddo dheer fashilnaa oo xal loo waayay tobanaan sano, inkastoo uu jiray hawlgal nabad-ilaalin oo Qaramada Midoobay ah oo loogu talagalay inuu ku-meel-gaar ahaado. Dibadbaxyo ayaa toddobaadkan ka dhacay xeryaha qaxootiga Sahrawi ee Algeria, halkaasoo dadku ay ku dhaarteen in aysan ka tanaasuli doonin halgankooda aayo-ka-tashiga.
Is-mari-waa raagay
Morocco waxay maamushaa ku dhowaad dhammaan Saxaraha Galbeed, marka laga reebo qayb ciriiri ah oo loo yaqaan “aagga xorta ah” oo ku taal bariga gidaar ciid ah oo ay Morocco dhistay.
Xabbad-joojin la gaaray 1991 ayaa loogu talagalay inay gogol-xaar u noqoto afti loo qaado aayo-ka-tashi, balse muran ka dhashay cidda u qalanta inay codeyso ayaa ka hor istaagay inay dhacdo.
Sannadihii la soo dhaafay, Morocco waxay beddeshay dhulka lagu muransan yahay, iyadoo ka dhistay deked biyo mool ah iyo waddo weyn oo dhererkeedu dhan yahay 656 mayl (1,055 kiiloomitir). Kaalmada dowladda ayaa hoos u dhigta qiimaha cuntada iyo tamarta, dadkuna aad ayay ugu kordheen iyadoo dad Moroccan ah ay degayaan magaalooyin ay ka mid yihiin Dakhla iyo Laayoune.
Polisario waxay ka baxday xabbad-joojinta sannadkii 2020 kaddib iska-hor-imaadyo ka dhacay meel u dhow waddo ay Morocco laami ka dhigaysay oo aadday Mauritania.
Jabhadda ayaa tan iyo xilligaas si joogto ah u soo warisay dhaqdhaqaaqyo militari, halka Morocco ay inta badan dafirtay inay jirto colaad furan. Qaramada Midoobay waxay ku tilmaantaa “is-hor-imaad heerkiisu hooseeyo.”
Colaaddan ayaa ah tan horseedda diblomaasiyadda Waqooyiga Afrika. Morocco waxay taageerada loo hayo qorshaheeda is-maamulka u aragtaa halbeeg ay ku qiimeyso xulafadeeda.
Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, ergayga Qaramada Midoobay Staffan de Mistura ayaa soo jeediyay in la qaybiyo Saxaraha Galbeed, taasoo ah soo-jeedin aysan labada dhinac midna aqbalin. Wuxuu ku boorriyay Morocco inay caddeyso waxa uu is-maamulku xambaarsan yahay, wuxuuna ka digay in horumar la’aantu ay su’aalo ka keeni karto doorka Qaramada Midoobay iyo “inay weli jirto fursad iyo rabitaan aan ku sii anfacno.”
Caddaadiska dib-u-qiimaynta Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Aftida Saxaraha Galbeed ayaa ku soo beegmaya xilli uu Mareykanku si weyn u dhimayo maalgelinta barnaamijyada iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto nabad-ilaalinta.
Saraakiisha Mareykanka ayaa qaadanaya hab ay wax ku kala xulanayaan maalgelinta, iyagoo dooranaya hawlgallada iyo hay’adaha ay aaminsan yihiin inay la jaanqaadayaan ajandaha Trump iyo kuwa aan hadda u adeegayn danaha Mareykanka.
Waxay ku doodayaan in miisaaniyadda iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ay buuran yihiin. Waxay ballanqaadeen inay joojinayaan deeqaha cusub inta laga samaynayo dib-u-eegis lagu sameeyo dhammaan hay’adaha iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay.

