29 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Donald Trump oo shaaca ka qaaday inuu wada-hadallo qoto dheer kula jiro kooxda….

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay Jimcihii in Washington ay “wada xaajoodyo aad u qoto dheer” kula jirto kooxda Falastiiniyiinta ah ee Xamas, wuxuuna ku boorriyay inay sii daayaan dhammaan la haystayaasha Israel ee lagu hayo Marinka Gaza.

“Waxaan wada xaajoodyo aad u qoto dheer kula jirnaa Xamas,” ayuu Trump u sheegay weriyeyaasha, isagoo sheegay in xaaladdu ay noqon doonto mid “adag” oo “xun” haddii Xamas ay sii haysato la haystayaasha reer Israel.

“Waxaan ku niri sii daayaa dhammaantood, hadda isla markiiba ha soo wada daayaan. Waxyaabo aad uga wanaagsan ayaa ku dhici doona, laakiin haddii aadan dhammaantood sii dayn, waxay noqon doontaa xaalad adag, oo fool xun,” ayuu yiri Trump, isagoo intaas ku daray in Xamas ay “codsanayso waxyaabo qaarkood oo wanaagsan.”

Trump ma uusan bixin faahfaahin intaas dhaafsiisan.

Dagaal-yahannada Falastiiniyiinta ayaa in ka badan 250 la hayste u kaxaystay Marinka Gaza kaddib weerar bishii Oktoobar 2023 ay ku qaadeen Israel, kaasoo ay ku dhinteen ilaa 1,200 oo qof, sida lagu sheegay tirokoobyada Israel.

Weerarkii xigay ee ay Israel, oo xulufo la ah Mareykanka, ku qaadday Marinka Gaza ayaa waxaa ku dhintay tobanaan kun oo qof, wuxuuna barakiciyay dhammaan dadweynihii Gaza, isagoo sidoo kale horseeday eedeymo isir-sifeyn iyo dembiyo dagaal oo looga soo jeediyay maxkamadaha caalamiga ah iyo kooxo badan oo xuquuqda aadanaha u dooda. Israel way beenisay eedeymahaas.

Trump wuxuu intii uu ku jiray ololihiisa doorashada madaxweynenimada ballanqaaday inuu si degdeg ah u soo afjari doono dagaalka Gaza, balse xal laga gaaro ayaa weli ah mid aan la helin.

Ku dhowaad 50 la hayste oo Israeli ah ayaa weli ku jira gacanta Xamas ee Gaza, iyadoo la aaminsan yahay in 20 ka mid ah ay weli nool yihiin.

Ururka Xamas wuxuu sheegay inuu sii deyn doono qaar ka mid ah la haystayaasha si loogu beddesho xabbad-joojin ku-meelgaar ah, halka Trump uu si isdaba joog ah u sheegay inuu doonayo in la sii daayo dhammaan la haystayaasha.

Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dagaalka Gaza uu dhammaan doono oo keliya haddii la sii daayo dhammaan la haystayaasha, hubka laga dhigo Xamas, Israel-na ay la wareegto gacan ku haynta amniga marinkaas, lana dhiso maamul rayid ah oo beddela kii hore.

Dhanka kale, Xamas waxay dalbanaysaa in dagaalka la joojiyo oo Israel ay ka baxdo Marinka Gaza.

- Advertisement -

Read more

Local News