Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii si caro leh u diiday walaacyada anshaxa ee ku saabsan qorshihiisa ah inuu aqbalo diyaaraddii ay Qatar ugu deeqday inuu u isticmaalo safarradiisa madaxweynenimo, isagoo sheegay in ay “nacasnimo” noqon lahayd in hadiyaddaas la diido.
“Waa talaabo sharaf leh,” ayuu Trump, oo 78 jir ah, u sheegay saxaafadda isagoo jooga Aqalka Cad, xilli la weydiiyay in dawladda hodanka ku ah saliidda ee Khaliijka ay wax beddel ahaan uga filanayso.
“Anigu ma noqon doono qof diida fursad noocaas ah. Waxaan noqon lahaa nacas haddii aan iraahdo, ‘Maya, diyaaraddan qaali ah oo bilaashka ah ma rabno.’”
Qoyska boqortooyada Qatar ayaa soo bandhigay diyaaradda raaxada ee 747-8 Jumbo Jet, iyadoo Trump uu weli sugayo keenista labo diyaaradood oo cusub oo Boeing ay ugu talagashay safarrada madaxweyne.
Hase yeeshee, tallaabadan waxay dhalisay su’aalo waaweyn oo la xiriira dastuurka, anshaxa, iyo ammaanka — gaar ahaan isticmaalka diyaarado ay siiyeen dowlad shisheeye oo loogu talagalay safarrada ugu muhiimsan ee madaxweynaha.
Dastuurka Mareykanka ayaa mamnuucaya in masuul dowladeed uu aqbalo hadiyado “ka yimaada Boqor, Amiir, ama Dowlad shisheeye,” sida ku cad Qodobka loo yaqaan Emoluments Clause.
Trump ayaa si caro leh uga jawaabay markii la weydiiyay haddii uu isticmaali doono diyaaraddaas si gaar ah marka uu xilka ka dego.
“Waa inaad ka xishootaa su’aashaas,” ayuu u sheegay wariye. “Waa diyaaraddoodii bilaash ahayd. Waxaan oran lahaa maya, maya, maya, ha ina siinina — waxaan rabaa inaan idiinka iibsado $1 bilyan ama $400 milyan ama wixii ay tahay. Ama waxaan dhihi lahaa, aad ayaad u mahadsantihiin.”
Trump wuxuu intaas ku daray in diyaaradda loo wareejin doono maktabaddiisa madaxweynenimada ee mustaqbalka, sida maktabadda Ronald Reagan oo sidoo kale taallo diyaarad hore oo Air Force One ahayd.
– Daah-furnaan buuxda –
Trump iyo Aqalka Cad waxay sidoo kale sheegeen in diyaaradda Qatar ay si rasmi ah loogu wareejin doono Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka, si meesha looga saaro muranka sharciyeed.
Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay in maamulka uu arrintan ku maamuli doono “daah-furnaan buuxda.”
“Dowladda Qatar si deeqsinimo leh ayay u soo bandhigtay inay diyaaraddan ku wareejiso Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka,” ayay Leavitt u sheegtay Fox News. “Faah-faahinta sharciyeed ee arrintaas wali waa la diyaarinayaa.”
“Hadaba, wax hadiyad ah oo loo sameeyo dowladda waxaa lagu fuliyaa si waafaqsan sharciga, waxaana naga go’an daahfurnaan buuxda, taasoo aan sii wadi doonno,” ayay raacisay.
Markii la weydiiyay haddii ay jirto cabsi ah in Qatar ay wax beddel ahaan dalbato, Leavitt waxay ku jawaabtay: “Maya, gebi ahaanba maya, sababtoo ah waxay yaqaaniin Madaxweyne Trump in uu mar walba danta shacabka Mareykanka ka horumariyo.”
Dowladda Qatar ayaa si degdeg ah ugu jawaabtay muranka, iyadoo sheegtay in diyaaradda aysan ahayn hadiyad rasmi ah.
“Wareejinta suuragalka ah ee diyaaradda si ku-meelgaar ah loogu isticmaalo Air Force One waxa ay hadda ka socotaa wadahadallo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga Qatar iyo tan Mareykanka,” ayuu yiri Ali Al-Ansari, oo ah ataashaha warfaafinta ee safaaradda Qatar ee Washington.
Xisbiga Dimuqraadiga ayaa si degdeg ah u cambaareeyay qorshahan.
“Madaxweyne aqbala hadiyad sidan oo kale ah oo qiimaheedu gaarayo $400 milyan oo ka timaadda dowlad shisheeye wuxuu abuuraa khilaaf daneyn cad,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saareen afar xildhibaan oo ka tirsan Guddiga Arrimaha Dibadda ee Senate-ka.
Senatorrada Cory Booker, Brian Schatz, Chris Coons, iyo Chris Murphy ayaa sidoo kale ku adkeystay in arrintani “keeni karto khatar amni qaran, fure u noqon karto saameyn shisheeye, islamarkaana dhaawici karto kalsoonida shacabka ee dowladda.”
Trump ayaa muddo dheer ka cawday diyaaradaha Air Force One ee hadda jira — labo diyaaradood oo ah nooca Boeing 747-200B, oo adeegaya tan iyo 1990-kii xilligii Madaxweyne George H.W. Bush.
Horaantii sanadkan, Trump ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay “raadinayso beddel” Boeing, kadib markii uu dib u dhac ku yimid keenista diyaaradaha cusub ee 747-8.
Miiska qaxwada ee Xafiiska Oval Office, Trump wuxuu dul saaray moodelka diyaaradda cusub ee Air Force One, oo uu midab u xushay casaan, caddaan iyo buluug, isagoo halkaas kula kulma hoggaamiyeyaasha caalamka.
Trump wuxuu horey u lahaa diyaaraddiisa gaarka ah ee “Trump Force One,” taas oo uu ugu adeegsan jiray safarradiisii ololaha doorashada 2024.