Donald Trump oo u dhaba xaaraya dagaal saddexaad oo dunida ka dhaca

Muqdisho (Caasimada Online)-Subaxnimadii axadda sidii caadada u ahaydba, madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ciwaankiisa Twitter-ka waxa uu kusoo qoray fariin uu ku weerarayo xubin ka mid ah xisbigiisa.

Tani ma ahan war weyn maadaa marar badan uu gantaaladiisa afka la dhacay xubno badan oo ay isku xisbi yihiin.

Balse marka weerarka waxa uu ahaa mid si shaqsiyan ah uu ugu weerarayo xildhibaan ka tirsan Aqalka Senate-ka ee Maraykanka, Bob Corker, ahna guddoomiyaha guddiga arrimaha dibedda Aqalkaas. Trump waxa uu Corker ku tilmaamay nin fuley ah oo ka cabsanaya in uu markale xilka isu soo taago.

Trump waxa uu sheegay in Corker uu isaga garka qabsaday si u ansixiyo, balse uu ka diiday, isaga oo intaas ku daray in guusha kaliya ee uu Corker gaaray ay ahayd taageeradii uu siiyay heshiiskii hubka Nuyuukleerka ee Iran lala saxiixday.

Balse dadka aadka ugu dhow Bob Korker waxa ay kuu sheegayaan in uusan wax walwal ah ka qabin mustaqbalkiisa siyaasadeed ee dhow, islamarkaasna uu qorsheynayo in uu shaqada ka fariisto marka uu xilkiisa dhamaado sanadka 2019-ka.

Trump iyo Bob Corker

Iyada oo aan hadalka la maldahaynin, Mr. Corker waxa uu madaxweynaha ku tilmaamayaa in uu yahay nin beenaale ah.

Balse dooda waa mid intaas ka guda weyn, waxayna u egtahay in waayihii saaxiibtinimada labada nin ay soo idlaatay.

Corker mar waxa uu ku jiray liiska magacyada kooban ee Trump uu ka fikirayay in uu ka dhigto madaxweyne ku xigeen ama xoghayaha arrimaha dibedda.

Corker oo hadlay ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu wadada u xaarayo in uu dhoco dagaalka saddexaad ee adduunka, Aqalka Cadna uu u maamulayo si la mid ah sidii uu u maamuli jiray barnaamijkiisii taleefishinka.

Waxa uu intaas ku daray in shaqaalaha Aqalka Cad ay la harjadayaan sidii ay u xakamayn lahaayeen meel ka dhacyada badan ee Trump.

Trump kama uusan jawaabin hadalkan ugu dambeeyay ee Corker kasoo yeeray, balse shaqaalaha Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweynaha ay ‘wali usu dhimanyihiin Corker’ sida hadalka loo dhigay.

Waxaa la sheegay in dhibka ugu weyn ee madaxweynaha uu ku qabo Corker ay tahay in uusan xilka ka dagi doonin illaa laga gaaro bisha janaayo ee sanadka 2019-ka, islamarkaasna uu guddoominayo mid ka mid ah guddiyada ugu awoodda badan ee Aqalka Sanate-ka, sidaas darteed Mr. Corker uusan madaxweynaha u samayn doonin wax asxaan ah marka la horkeeno sharciyada.

Trump iyo Labada Aqal

Horey dhib badan ayaa madaxweynaha uga haystay Aqalka Congress-ka, halkaas oo laga diiday in la meelmariyo isbadalkii uu ku samayn lahaa sharcigii caafimaadka ee Obama, dib u habeynta canshuuraadka iyo qarashaadka lagu bixiyo dhismayaasha kaabayaasha dhaqaalaha.

Trump waxa uu horay ugu guuleystay in uu sameeyo wax dadka oo dhan ka wada careysiiya, haddane uu ka gudbo , una talaabo moowduuc kale, waana qorshe aad ugu shaqeeyay xiligii uu ku jiray ololaha doorashada, balse hadda marka ay timaado labada Aqal ee Maraykanka in sharci laga meelmariyo, gef kasta oo uu galo waa mid isaga ku yeelanaya saamayn xun.

Muddo bilooyin ah, xildhibaanada xisbiga Jamhuuriga waxa ay si hoose ugu dadaalayeen in wax xaliyaan, iyada midkood oo lagu magacaabo Mr. McConnel uu sheegay in madaxweynaha uusan fahmaynin sida Aqalka Senate-ka u shaqeeyo.

Balse hadda arrintaas waxaa si shaac u sheegay Corker oo intaas ku daraya in qof kasta uu ku waafaqsanyahay.

Xildhibaano badan ayaa iska aamusnaa illaa iyo hadda, sababtoo ah waxa ay wali rajo ka qabeen in ay meelmariyaan sharciyo uu madaxweynaha saxiixo, amaba waxa ay ka baqdin qabeen in taageerayaasha Trump ee caraysan ay ka codeeyaan marka la gaaro is reebreebka xisbiga sanadka dambe.

Trump iyo Siyaasada Dibedda

Marar badan ayuu Trump hareer maray xoghayihiisa arrimaha dibedda Rex Tillerson iyo dadka kale ee ka tirsan maamulkiisa, isaga oo si iskiis ah oo qalafsan uga hadlay arrimo badan oo la xiriira siyaasadda arrimaha dibedda oo la doonayay in si qaboow oo dublamaasiyadeed loo dhameeyo.

Dadka difaaca Trump waxa ay sheegayaan in waxa uu madaxweynaha samaynayo ay yihiin wax ku socda qorshe cad oo ah in dadka ay fariimaha ku socdaan ay ka baqaan madaxweyne aanan la hubin talaabada uu ka qaadi karo, sidaasi darteedna dadka gorgortanka ku jira ay fursad helaan.

Balse Mr. Corker isaga ma aaminsana arrintaas, wuxuuna qabaa in uusan jirin wax qorshe ah oo Trump ka leeyahay waxa uu samaynayo.

Waxaa jira sawirro badan oo uu wajiga kaduudayo John Kelly, agaasimaha Aqalka Cad, taas oo la sheegay in ay caddayn u tahay sida uu qaati uga taaganyahay xaaladda ka taagan Aqalka Cad.

Markii Trump uu hareer maray khudbadii u qornayd oo uu amaanay xagjiriintii caddaanka ee rabshadaha ka sameeyay magaalada Charlottesville, agaasime John Kelly ayaa kaamarada lagu qabtay isaga oo indhaha isku qabanaya, sankana xoqanaya.

Sidoo kale Kelly ayaa madaxa qarsaday markii Trump oo Qaramada Midoobay ka halayay uu hooggaamiyeyaasha Kuuriyada Waqooyi ku tilmaamay in ay dambiileyaal yihiin.

Xaaladaas oo kale waxaa si joogta ah ula kulma shaqaalaha warbaahinta ee Aqalka Cad oo markasta laga doonayo in ay warbaahinta u sharaxaan hadalada aanan laga fiirsanin ee uu madaxweynaha iska dhoho had iyo jeer.

Inkasta oo Kelly uu nidaam kusoo dabaalay Aqalka Cad, haddane Trump waxa uu wali haystaa taleefoonkiisa oo si joogto ah waxa uu doono ugu qoro boggiisa Twitter-ka.

Mr. Corker ayaana ah qofkii ugu dambeeyay ee uu Trump ku maagay Twitter-ka.

BBC

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com