Wasiir ku xigeenka W. Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kulan la yeeshay Safiirka Dalka Qadar ee Soomaaliya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wafdi uu hoggaaminayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Cabdicasiis Saalax Carmaan ayaa kulan la yeeshay Safiirka Safaaradda Dalka Qadar ee Soomaaliya Safiir Hassan Bin Hamza Asad, kulankaas ayaa ka dhacay Xarrunta Safaaradda Dalka Qadar ee Magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa looga hadlayay qodobo dhowr ah oo ku saabsan heshiisyadii u dhexeeyay Dalka Qadar iyo Soomaaliya ee dhanka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Mashaariicdii horumarineed ee ka dhexeesay labada dal.

Safiirka Dawladda Qadar ee Soomaaliya Hassan Bin Hamza Asad  oo aad ugu faraxsanaa kulankan ay wada yeesheen Wasiir ku xigeenka iyo wafdigiisa ayaa soo dhoweyn kaddib ku yiri: “Mudane Wasiir, ka Safaarad ahaan, waxaan mar walba xoojinaa  xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar, waxaanna gacanta ku heynaa heshiisyadii dhex maray Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Qatar iyo Soomaaliya, waxaana dooneynaa in dib loosoo celiyo wada shaqeyntii guddiyada  labada dhinac ee ku howlanaa Mashaariicda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada”.

Hassan Bin Hamza Asad Safiirka Dawladda Qadar ee Soomaaliya ayaa dhankiisa tilmaamay in Dawladda Qaddar ay soo dhoweynayso in la dardar geliyo xiriirka labada dhinac Waxuuna ku wargeliyay Wasiir ku xigeenka inuu u hayo Casuumaad kaga timid Wasaaradda dhiggiisa ee shaqada iyo Arrimaha Bulshada  Dalka Qadar uuna rajeynaayo inuu ka jawaabi doono Casuumaaddaas uu tagi doono caasimadda Doha ee dalka Qatar.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada  Xildhibaan Cabdicasiis Saalax Carmaan aya kaga mahadceliyay Safiirka soo dhoweyntiisa diirran, sidoo kalana xusay dowrka ay ka qaadatay dowladda Qatar xaaladaha adeega ee ka jirta Dalka Soomaaliya, waxuuna u sheegay inuu salaan ka gaarsiiyo Madaxweynaha dalka Qadar waxuu kaloo u sheegay iney sii wadi doonaan wadashaqeyntii guddiga labada dhinac ee u qaabilsanaa Horumarinta Mashaariicda ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Ugu dambeyntii Wasiir ku xigeenka ayaa hadalkiisa ku xusay Dowladda Soomaaliya iney tahay Dowlad Hal-dhiggeedu yahay Nabad iyo Nolol taasoo qaadatay hannaanka wadashaqeyn ee uu lahaan jiray Dalka sida labada dal ee Qatar iyo Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa.

Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale Safiirka u sheegay iney garab ka siiyaan soo celinta dugsiyadii Farsamada ee uu Dalka lahaan jiray si loo helo Shaqaale xirfadle ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com