25.7 C
Mogadishu
Thursday, June 19, 2025

Dood bulsho ee maamulka iyo maareynta maaliyada dalka oo la qabtay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Xaflad lagu qabtay Muqdisho Guest House 2 ee magaalada Muqdisho oo ku saabsaneyd Dooda Bulshada ee Maamulka & Maareynta Dalka ayaa waxaa ka soo qebygalay Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka Dr Nur Farah, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Ali Said Fiqi, Aqoonyahno, xubno ka tirsan Aqalka Sare iyo ururada bulshada.

Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey hay’adda CMD.

Xafladan oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa Dr Nur Farah uu sheegay in 4tii sano ee la soo dhaafay uu dalku ku tallaabsaday horumar weyn ee dhanka maamulka iyo maareynta maaliyada oo weliba aqoonsi caalami ah lagu helay. Mana dhici karto in lagu takri falo dakhliga ay dowladdu soo xareyso oo lagu shubo Bankiga Dhexe, ka saaristiisana ay marto nidaam habeysan oo la isku haleyn karo.

Hanti Dhowrka Guud ayaa sidoo kale xaqiijiyey in Wasaarada Maaliyada iyo Hay’adaha la shaqeeya sida Hanti-Dhowrka Guud, Xisaabiyaha Guud, Bankiga ay dhammaan si toos ah ula shaqeeyaan hay’adaha caalamiga ah ee Maaliyada sida Hay’ada Lacagta Aduunka (IMF), Bankiga Adduunka, Bankiga Horumarinta Islaamka iyo Bankiga Horumarinta Afrika iyo hay’ado kale. Hay’adahan caalamiga ah ayaa kalsooni buuxda siiyey nidaamka maamulka iyo maareynta Maaliyada.

Hanti Dhowrka Guud oo su’aalo lagu weydiiyey ayaa sheegay in xiliga doorashooyinka aysan dhici karin in maaliyada Dowladda loo isticmaalo si shaqsi ah, isla markaasna uu ku gacan seeray warar ka soo yeeray qaar ka mid ah Musharaxiinta oo Madaxda dalka ku eedeeyey inay dhaqaalaha dowladda u isticmaalayaan doorashooyinka.

Shacabka ka soo qeybgalay xaflada ayaa Hanti Dhowrka Guud uga mahadceliyey sida faahfaahsan ee uu u sharaxay nidaamka Maamulka iyo Maareynta ee Maaliyada Dalka, iyagoo sheegay in loo baahanyahay in musharaxiinta ay ka fogaadaan wax kala geyn kara bulshada oo loo baahanyahay inay wararka ay sheegayaan ay noqdaan kuwo xaqiiqada ku dhisan oo ay joojiyaan wararka ay siyaasadeynayaan.

- Advertisement -

Read more

Local News