Dood culus oo ka dhalatay kursiga golaha ammaanka ee Soomaaliya ku guuleysatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa shalay ku guuleysatay kursiga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo Soomaaliya ay 2025-2026 ku meteli doonto dalalka Afrika.

Soomaaliya ayaa maanta kamid noqotay shanta xubnood ee cusub ee buuxinaya kuraasta aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, taasi oo ay ka dhalatay dood xooggan.

Guushan oo ah mid taariikhi ah ayaa haddana waxaa dhinaca kale dadka qaar ka keeneen su’aallo dood badan dhaliyay, kadib markii bogga Madaxtooyadda ee Villa Somalia ee Facebook lagu daabacay boggaadinta guushan ee madaxweyne Xasan Sheekh.

Cabdiraxmaan Beerxood ayaa waxa uu yiri “Dal faqri ah dadkiisu tahriibayaal yihiin ma garan karno wuxuu usoo kordhinaayo kursi golaha amaanka Qaramada Midoobay aan joogtada aheyn.”

Waxa uu intaas kusii daray “Dowladda ha ka shaqeyso sidee xal ugu keeni laheed amni darada, gaajada, shaqo la’aanta. Amaan ma lahan madaxweyne dadkiisu waxay cunaan la’yihiin oo qamadi loogu deeqayo waxbarasho iyo cafimaad bilaash dowladeed aan heysan.”

Dad kale oo  ka fal-celiyay doodda Cabdiraxmaan uu kamid yahay Nuuradiin Qandac ayaa waxa uu yiri “Waa runtaa laakiin isagaa dal kuu ah hadii mid kuuu dhaama aad meel ku ogtahay adeer yeysan qoraxdu kugu soo bixin, hadii kale qanaacadu waa ku raali noqoshada, Rabi SW waxa uu ku siiyey. Mahadsanid.”

Samiir Sahal oo isna kamid ah dadka ka fal-celiyay ayaa waxa uu yiri “Kuraasta ay ku fadhiyan bay waxba ugu qaban kari waayeen dalkooddii oo faa’iido ku jirin, saa waaba mid USA iyo Europe ku tal-talaabsadaan oo ay samaysteen.”

“Wax walba oo aan UN ka noqono Somalia waxay ahaanaysaa waddan fakhri ah, aan nidaam lahayn, musuq-maasuq badan, shisheeye u taliyo, wax walbana loo meeriyo dadkiisuna ay wada fakad yihiin,” ayuu yiri Axmed Cabdikariin Geelle oo qeyb ka ahaa dodda ka dhalatay guusha taariikhiga ah ee shalay ay gaartay Soomaaliya.