29.9 C
Mogadishu
Sunday, June 8, 2025

Doorashada Cadaado oo xiiso gaar ah leh iyo shaqsi uu Xasan wato oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Doorashada aqalka Hoose ee baarlamaanka Galmudug matalaya ayaa maanta ka dhaceyso magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Doorashadaasi oo musharixiin badan ku tartamayaan ayaa midda ugu xiisaha badan waxay tahay midda u dhaxeyso musharixiinta beesha Waceysle oo uu kasoo jeedo madaxweynaha Soomaaliya.

Kursiga beeshaasi ayaa waxaa ku tartamaya shaqsi ka socdo madaxtooyada Soomaaliya iyo musharax shalay tagay magaalada Cadaado oo muddo sanado ah arimaha bulshada ka shaqeynayay.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa kursiga aqalka hoose ee beeshiisa la doonaya agaasime ku xigeenka madaxtooyada Soomaaliya Saadaq Cabdi Kariin.

Waxaana madaxweynaha iyo xulafadiisa la sheegay iney dhaqaalo badan ku bixiyeen sidii Saadaq u noqon lahaa wakiilka beesha Waceysle ee aqalka Hoose.

Sidoo kale doorashooyinka magaalada Cadaado ee adag ayaa waxaa ku loomaya shaqsiyaad kasoo jeeda beelaha Duduble, Murusade iyo Mareexaan.

La soco waxii kasoo kordhaa Doorashada Cadaado Insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News