Doorashada Ceelwaaq oo lasoo afjaray + Sawirro

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo waxaa maanta lagu soo gabagabeeyey doorashada 16-kii kursi ee horey looga wareejiyey degmada Garbahaarey, taas oo muddo ay ka taagneyd xiisad u dhexeysa dowladda iyo Jubbaland.

Doorashada oo shalay soo bilaabatay, isla-markaana la doortay illaa 11 xildhibaan ayaa maanta la dhammeystiran, iyada oo lasoo doortay 5-tii xildhibaan ee harsaneyd.

Xildhibaanada la doortay ayaa waxaa ka mid ah xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Jubbaland, kuwaas oo haatan ku biiraya baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Magacyada xildhibaanada maanta soo baxay ayaa waxa ay kala yihiin:- 1-Mursal Maxamed Khalif oo ku guuleeystay kursiga HOP#122.

2-Maxamed Muxumed Maxamed oo ku guuleystay kursiga HOP#110.

3-Marwo Faadumo Faarax Aadan oo ku guuleysatay kursiga HOP#123.

4-Axmed Cismaan Ibraahim oo ku guuleysatay kursiga HOP#131.

5-Cabdirashiid Maxamed Ducaale oo ku guuleystay kursiga HOP#125.

Doorashada ayaa dhalisay muran horleh, maadaama doorasha kale ay iyana qaban qaabadeeda ka socoto magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, taas oo uga sii dareysa xiisadda taagan.

Arrintan ayaa sidoo kale kusoo aadeysa, iyada oo wareegto uu saaray madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday lagu sheegay inay sharci darro yihiin doorashooyinka is barbar socda ee Ceelwaaq iyo Garbahaarey, waxaana sidoo kale arrintaas taageeray guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban oo ka horyimid doorashooyinkaasi.