Doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo lasoo geba-gebeeyey – Yaa kusoo baxay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan Teendhada Afisyooni waxaa goordhoweyd lagu soo afmeeray doorashada guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ugu dambeysay doorashada Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare.

Senator Cabdulaahi Cali Timacade ayaa ku guuleystay kursiga guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka, waxaana uu helay codad gaaraya 30 cod, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha KMG ee Aqalka Sare.

Halka musharaxa la tartamay oo ah Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag uu helay 23 cod.

Sidoo kale waxa kursiga Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Aqalka Sare ee Baarlaamnka Soomaaliya ku guuleystay Cali Shacbaan Ibraahim, wuxuuna helay codad gaaraya 28 cod.

Cali Shacbaan ayaa doorashadaan kaga adkaaday Cabdixakiim Macalin Axmed oo kula tartamayay kursigaas, kaasi oo helay cod gaaraya 25 cod.

Guddoomiyaha KMG ah ee Aqalka Sare ayaa ku dhawaaqa natiijada tartanka, waxaana xumaaday hal cod oo kaliya.

Doorashada labadaan kursi ayaa waxaa la isla aaday wareeg labaaad, waxayna aheyd mid si weyn indhaha loogu hayay, islamarkaana lagu kala baxay codad aan u kala fogeyn.

Sidoo kale waxaa goor sii horeysay ayadana lagu kala baxay doorashada guddoomiyaha Aqalka Sare oo loolan adag loo galay, waxaana kusoo baxay Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Sida uu shaaciyey guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Aqalka Sare waxa uu Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi helay 28 cod, musharrax Saalax Axmed Jaamac ayaa isna helay 24 cod, halka wasiirka Warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe uu helay codad gaaraya 2 cod.

Cabdi Xaashi ayaa asaguna markale 4-ta sano ee soo socota hoggaaminayo Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, isaga oo 5 sano ee lasoo dhaafay ahaa guddoomiyaha Golahan, waxaan lagu xasuusta dagaalkii siyaasadeed ee uu horey ula galay Villa Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.