Doorashada guddoonka baarlamaanka Jubaland oo ka bilaabatay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ka bilaabatay codeynta doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka maamulka Jubbaland iyo labadiisa ku xigeen.

Ammaanka goobta ay ka dhaceyso doorashada ayaa waxaa sugaya ciidamada Booliska AMISOM iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland.

Doorashada guddoonka baarlamaanka labaad ee maamulkaasi ayaa waxaa ku loolamaya illaa shan musharrax oo dhowaan is diiwaangeliyey.

Sidoo kale hoolka doorashada ka dhaceyo waxaa ku sugan, xildhibaanada cusub ee Jubbaland, odayaasha dhaqanka, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

22-ka bishan ayaa sidoo kale la qaban doonaa doorashada madaxweynaha maamulkaasi, taas oo markale dib loo dhigay, kadib codsi ka yimid beesha caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com