Wararkii ugu dambeeyay mooshinkii la hor geeyay baarlamanka Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka nasoo gaaraya ayaa sheegay in Mooshinkii dhowaan ay golaha Wakiilada Somaliland u gudbiyeen qaar kamid xildhibaanada golahaasi inuu maanta fashilmay.

Mooshinkaasi oo xildhibaanada gudbiyey ay ku rabeen in lagu kordhiyo tirada guddida doorashooyinka Somaliland, ayaa saaka gebi-ahaanba fashilmay, kadib markii saaka golaha fasax la galiyey.

Garyaqaanka golaha wakiilada Somaliland ayaa saaka shaaciyey in Mooshinkaasi uu jabay, xili uu guddoomiyaha golaha wakiiladu isaguna ku dhawaaqay in goluhu uu gali doono fasax bil iyo dheeraad ah.

Saaka ayaa lagu waday in xildhibaanada golaha wakiiladu ay dood ka yeeshan mooshinkaasi ay gudbiyeen 15-mudane oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland.

Xildhibaan Gaane oo isagu kamid ahaa xildhibaanada golaha u gudbiyey mooshinkaasi, ayaa todobaadkii hore wuxuu sheegay in mooshinka ay golahaasi u gudbiyeen lagu sameeyay is hortaag, balse ay ku guuleysteen in laga doodo Ciida dabadeed.

Isagoona xildhibaanku xusay in caqabadaha hor taagan qabsoomida doorashadu ay sabab u yihiin dibu dhac ku yimaada doorashooyinka Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com