Goodax oo war kasoo saaray qorshe dil oo la fashiliyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka waxbarashadda hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay falkii shalay lagu toogtay 4 qof oo ay haweeney ku jirtay, kuwaas oo doonayey inay dilaan la-taliye ka tirsan wasaaraddiisa.

Ugu horreyn wasiir Goodax Barre Barre ayaa boogaadiyey tallaabada ay qaadeen ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee fuliyey howlgalkaasi.

Sidoo kale wuxuu sheegay in mas’uulkan uu ka mid yahay wasaaradda waxbarashada, una qabilsan yahay dhanka la-talinta arrimaha Dhulka.

Halkan hoose ka aqriso qoraal kooban oo uu soo dhigay wasiirku bartiisa Facebook-ga:

“Waxaan bogaadinayaa uguna hambalyeynayaa Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir gaar ahaan degmada Howlwadaag feejignaanta iyo dhiifoonaanta ay dhagar qabayaasha uga hortageen in ay dhibaato u geystaan La-taliyaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Arrimaha Dhulka iyo Hantida Maguurtada. Waa guul u soo hoyatay dhammaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, waxaan rajeynayaa in aad sii laba jibbaari doontaan badbaadinta bulshada Soomaaliyeed”.

Shalay ayay aheyd markii ciidanka Booliska degmada Howlwadaag ay ka hortageen fal ay doonayeen rag hubeysan inay ku dilaan masuul ka tirsan wasaaradda Waxbarashada, kadib howlgal oo ka dhacay Isgoyska bakaaraha ee magaalada Caasimada ah ee  Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com