Sawirro: Qarax Muqdisho ka dhacay iyo mas’uul sare oo DIL ka bad-baaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya labo qarax oo saaka  ka dhacay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Qaraxyada oo miino ahaa ayaa waxaa mid ka mid ah lala eegtay xoghayaha maamulka degmada Deyniile Mahad Maxamed Shire.

Wararka ayaa sheegaya in xoghayaha uu ka badbaaday qaraxaasi, balse uu burbur xoogan ka soo gaaray gaarigiisa.

Sidoo kale qaraxa labaad oo ka dhacay waddada Jayga ee degmadaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay illaa 3 qof, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa lagu soo warramayaa in ay gaareen halkaasi, islamarkaana ay ka sameeyeen baaritaano kooban.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha dhanka laamaha amniga oo ku aadan qaraxaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah nabad galyada, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com