Aqriso: Gudiga doorashada Jubaland oo aqbaly codsigii beesha caalamka, soona saaray go’aan cusub

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada iyo xuduudaha Jubaland ayaa mar kale is-beddel ku sameeyey xilligii la qorsheeyey inay dhacdo doorashada madaxweynaha Jubaland, islamarkaana dib u dhigay illaa saddex cisho.

Qoraal kasoo baxay guddiga oo loo diray wakiilka QM ee Soomaaliya, iyo wakiilada IGAD iyo Midowga Afrika ee khamiistii booqday Kismaayo, ayaa lagu sheegay in guddiga aqbaly codsigooda ahaa in dib loo furo is-diiwaan gelinta musharaxiinta islamarkaana doorashada waqtigeeda gadaal loo durjiyo.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in is-diiwaan gelinta musharaxiinta la furay 17-ka illaa 19-ka August, islamarkaana doorashada madaxweynaha oo la qorsheeyey inay dhacdo 19-ka laga dhigay 22-ka August.

Guddiga ayaa sheegay in dastuurka u ogolaanayo inay maamulaan islamarkaana gacanta ku hayaan hanaanka doorashada, ayaga oo gacan ka helaya baarlamanka cusub, oo shaqadiisu tahay inuu guddoomiyo kulanka codeynta, islamarkaana ku dhowaaqo natiijada.

Si kastaba, guddiga wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay in cid kasta oo daneyneysa sida beesha caalamka, iyo labada aqalk ee baarlamanka Soomaaliya ay goobjoog ka noqon karaan codeynta, islamarkaana loo diri doono casuumad.

Inkastoo Guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland uu dib u furay waqtiga is diiwaan gelinta Musharaxiinta Mucaaradka, hadana Shuruudihii horay Guddiga u soo saaray ee lagu xiray Musharaxiinta ayaa weli taagan, sida ka tanaasulida xubnaha xilalka haya, mudada degenaanshaha oo laga rabo in Musharaxa uu labo sano ka badan dalka joogo iyo in aanu Xaas Ajnabi ah qabin, taasoo ka dhigan in Musharaxiinta qaar in aanay buuxin karin shuruudahan

Hoos ka aqriso warqadda guddiga