Doorashada Mareykanka – Donald Trump oo ay kasoo xirmeen albaabada guusha

Washington (Caasimada Online) – Doorashada Mareykanak ayaan weli si rasmi ah loogu kala bixin, hase yeehee waa ay caddahay inuu ku guuleysanayo madaxweyne ku-xigeenkii hore Joe Biden.

Biden ayaa ku horreeya afar ka mid ah shanta gobol ee aan weli la go’aamin, wuxuuna u baahan yahay inuu ku guuleysto hal ama laba ka mid ah, ayada oo ay ku xiran tahay tirada codadkooda, si uu u noqdo madaxweynaha cusub.

Biden ayaa hoggaaminaya codadka gobollada Pennsylvania, Georgia, Arizona iyo Nevada, halka Trump uu ku horreeyo gobolka North Carolina. Wuxuu madaxweyne ku noqon karaa inuu ku guuleysto gobolka Pennsylvania ama laba ka mid ah afarta kale.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ayaa haysta 253 codadka ergada doorashada ah (Electoral College), wuxuuna u baahan yahay 17 kale si uu u gaaro 270. Trump ayaan soo dhoweyn, wuxuuna joogaa 214, waana inuu ku guuleystaan afar ka mid ah gobollada haray, si uu madaxweyne u noqdo.

Waxaa aad loo saadaalinayaa in Biden uu ku guuleysan doona dhammaan afarta gobol ee uu ku horreeyo, hase yeeshee maadaama tartanka aad la isugu dhow yahay waxaa la sugayaa inuu ku hormaro tiro uusna Trump ka daba iman karin, si ay u cadaato inuu hantay guusha.

Dhammaan codadka la rumeysan yahay inay harsan yihiin ee aan weli la tirin ayaa u badan kuwa Dimoqraadi ah, taasi oo macnaheedu yahay inuusan jirin albaab fursad ah oo Trump u furan. Hase yeeshee, tirinta codadka ayaa ah mid si tartiib ah ku socota, taasi oo waqtiga dheereysay.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa habeen qabtay shir jaraa’id oo ka yaabiyey dadka Mareykanka, isaga oo billaabay weerar xun oo uu ku faafiyey eedo aan wax caddeymo ah loo hayn oo ah in laga xadayo guusha doorashada Mareykanka.

“Waxay isku dayayaan inay xadaan doorashada,” ayuu Trump ku yiri shir jaraa’id oo uu xalay ku qabtay Aqalka Cad, laba maalmood kadib markii ay soo dhammaatay codeynta doorashada.

Waxa uu yiri in Dimoqraadiga ay isticmaalayaan “codad sharic-darro ah, si ay doorashada u xadaan.”

“Haddii aad tiriso codadka sharciga ah, si fudud ayaan u guuleysanayaa,” ayuu yiri. “Waxay isku dayayaan inay ku shubtaan doorashada. Mana ogolaan karno inay taas dhacdo.”