Muqdisho (Caasimada Online ) – Waxaa wali Xarunta Golaha Shacabka Baarlamaanka ka socda Doorashada Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad iyo Labaad ee Baarlamaanka Somalia.
Doorashada oo wali socta ayaa waxaa dhanka Codadka ugu horeeya Xildhibaanada kala ah:
1-C/weli Sheekh Ibraahim Muudey 111
2-Faarax Sheekh C/qaadir 94
Labada Xildhibaan oo dhanka Codadka isku dhow ayaa u gudbay Wareega Labaad ee Doorashada, iyadoo tartanka labaad uu yahay mid u dhexeeya Musharaxiinta labada ah ee aan kor kusoo xusnay, marka laga reebo Xildhibaan Khadiijo Maxamed iyo Saciid Xuseen Ciid oo tanaasulay.
Labada Xildhibaan oo isku dhagan ayaa Wareega Seddexaad u gudbi doona, haddii ay dhacdo in lagu kala hari waayo Wareega Labaad ee iminka socda.
Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeennada labaad waxaa isugu soo haray oo u gudbaya wareega labaad Mahad C/dalla Cawad iyo C/qaadir Sheekh Baqdaadi.
Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad iyo kan Labaad ayaa waxaa looga baahan yahay inuu la imaado 139 cod.
Lama Oga cida ay guushu raaci doonto, waxaana wali socda Doorashada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

