Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ee Baarlamaanka Somalia laga wareejiyay xaruunta Gaadiidka ee Magaaladda Muqdisho.
Doorashada ayaa la sheegay in loo wareejiyay Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, kadib markii cabsi laga muujiyay in Guddiga Doorashooyinka iyo musharaxiinta lagu weeraro xaruunta Gaadiidka oo aan caga fiican ku taagneyn amaankeeda.
Doorashada ayaa la filayaa in Xarunta Xalane ay ka dhacdo maalmaha Isniinta ama Talaadada, fooda nagu soo heysa, waxaana Doorashadaasi kormeere ka noqon doona mas’uuliyiin ka tirsan QM, si looga feejignaado faragalin ay DFS ku sameyso Doorashada.
Diiwaangalinta Musharaxiinta Gobolada Waqooyi ee dooneysa kamid noqoshada Baarlamaanka ayaa sidoo kale la sheegayaa inay goobjoog ka yihiin wakiilo ka socda Hay’adda QM.
Odayaasha iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa dhawaan sheegay inaysan ka qeybqaadan doonin Doorashada labada Aqal, iyadoo maalmo un ka hor ay dib uga laabten go’aankaasi waxa ayna sheegen inay qaaten ka qeybgalka Doorashada.
Doorashada xubanaha labada aqal ayaa hareeyay musuq-maasuq aada ubalaaran, sida ay qabaan Siyaasiyiin dhowr ah oo qaarkood xilal ka haya Dowlada Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]