Jowhar (Caasimada Online) – Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku yimid doorashada xubnaha aqalka sare ee maamulkaasi u matalaya baarlamaanka.
Xildhibaanada baarlamaanka maamulka HirShabeele ayaa lagu wargeliyay inuu baaqday kulankii maanta lagu balansanaa ee lagu dooran lahaa xubnaha aqalka sare u matalaya maamulkaasi.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in isqabqabsi uu ka taagan yahay qaabka loosoo xulay xubnaha aqalka sare u matalaya maamulka HirShabeele.
Qaar kamid ah beelaha daga gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa cabasho ka muujinaya xubnaha beelaha u matalaya aqalka sare, iyadoo beelaha qaar xubinnimadoodii laga dhigay Dumar, taasi oo ay diidan yihiin.
Beesha Gaaljecel ayaa si adag u diidan in xubinta aqalka sare ku leeyihiin in dumar laga dhigo, waxayna doonayaan in beelaha kale dumarka la siiyo.
Madaxweyne HirShabeele ayaana dhawaan ku dhawaaqay xubnaha aqalka sare u tartamaya, isagoo sheegay in maanta oo Axad ah doorashada dhaceyso, balse ma aysan dhicin.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]