Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa maanta lagu qabtay doorashada kursi ka banaana Aqalka Sare, kaas oo uu horay uga geeriyooday Allaha u naxariistee Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab).
Doorashada oo ka dhacday xarunta golaha wakiilada Puntland ayaa lagu soo buuxiyay kursigan oo deegaan doorashadiisu ahayd magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi.
Kulankii maanta ee baarlamaanka Puntland ayaa lagu doortay Cabdi Cabdullaahi Haashi Goley oo buuxinaya kursigan, waxaana cod aqlabiyad leh ku doortay golaha.
“Goluhu wuxuu Maanta buuxiyey kursiga Aqalka Sare ee ku metelayey Puntland kaas oo uu ka geeriyooday Senatar hore Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) waxana uu Golaha cod aqlabiyad ah ku doortay Cabdi Cabdullaahi Haashi Goley in uu buuxiyo kursigaasi” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddoonka sare ee baarlamaanka maamulka Puntland.
Cabdi Cabdullaahi ayaa kamid ah saaxibada aadka u dhow Madaxweyne Saciid Deni, isaga oo u ahaa la-taliye gaar ah, waxaana loo xiray kursigan oo uu keligiis u tartamay buuxintiisa, maadaama uu tartanka tanaasulay musharrixii kale ee kula tartami lahaa.
Kuraasta ka bannaan baarlamaanka ayaa waxaa haatan ku socoto buuxin, iyada oo shalay agaasimihii dhawaan xilka laga qaaday ee hay’adda NISA Cabdullahi Sanbaloolshe uu dib u helay kursigiisi xildhibaannimo, kadib doorasho ka dhacday gudaha magaalada Jowhar.
Sanbaloolshe ayaa sida muuqata dib loo siiyay kursigiisi xildhibaan, kaasi oo uu lumiyay kadib markii loo magacaabay NISA. Doorashada oo ay ka soo qeyb-galeen xubno labada gole ee dowladda, bulshada rayidka iyo ergada beesha leh kursiga bannaanaa ayaa waxaa la sheegay inuu tanaasulay musharax Ismaaciil Warsame Faarax.
Waxaa kale oo dhowaan lasoo buuxiyay kuraastii ay ka geeriyoodeen Khadiija Diiriye iyo Xildhibaan Seeyseey oo iyagana doorashadooda lagu qabtay magaalada Jowhar.
Dhammaan doorashooyinkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo beri labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ay geli doonaan fasax dheer oo laba bilood ah, sida lagu sheegay qoraal maanta kasoo baxay guddoonka sare ee labada aqal.
“Guddoonka Labada Aqal ee BJFS iyaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah waxay go’aamiyeen in Kalfadiga 6aad ee baarlamaanka 11aad uu xirmayo taariikh 22-ka Juun 2025, dibna u furmo 22-ka Agoosto 2025” ayaa lagu yiri qoraalka labada guddoomiye.
Fasaxa Baarlamaanka ayaa kusoo aaday, xilli haatan ay jirto xiisad ka dhalatay hannaanka doorashooyinka oo ay isku hayaan Villa Soomaaliya, mucaaradka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka, taas oo xittaa saameysay kulamadii xubnaha labada Gole.