26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Doorasho taariikhi ah: New York City oo yeelaneysa duq magaalo oo Muslim ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

New York (Caasimada Online) – Zohran Mamdani, oo ah 33-jir socialist dimoqraadi ah ayaa noqon doona duqii ugu horreeyay ee Muslim ah oo ay yeelato magaalada New York kadib markii uu u muuqday in uu ku guuleysanayo doorashada is-reebreebka xisbiga Dimoqraadiga ee magaaladaas oo dhacday habeenimadii Talaadada, inkastoo ay qaadan karto maalmo in lagu dhawaaqo natiijada kama dambeysta ah.

Kaddib markii la tiriyay 91% codadkii la dhiibtay ee wareegga koowaad ee is-reebreebka, Mamdani, oo ah xildhibaan ka tirsan golaha sharci-dejinta gobolka, wuxuu helay 43.5% codadka. Andrew Cuomo, oo ahaa barasabkii hore ee New York isla markaana ahaa shaqsiga ugu cadcaddaa illaa toddobaadyadii la soo dhaafay, ayaa helay 36.4%, wuxuuna qirtay guuldarradiisa habeenimadii Talaadada.

Isagoo ka hadlayay isu soo bax ololihiisa ah, wuxuu Cuomo sheegay in Mamdani uu galay “olole runtii caqli ku dheehnaa, wanaagsanaa, oo saameyn lahaa.” “Caawa waa habeenkiisii. Wuu u qalmay. Wuuna guuleystay,” ayuu yiri Cuomo. Brad Lander, oo ah hanti-dhawrka guud ee New York, ayaa galay kaalinta saddexaad isagoo helay 11.4%.

Magaalada New York waxay isticmaashaa nidaamka codbixinta ee kala-doorashada (ranked-choice voting), maadaama aysan u badneyn in labada musharrax midkoodna uu gaaro 50%, guddiga doorashooyinka ayaa hadda tiran doona codadka dadka ee doorashada labaad. Mamdani, oo toddobaadkii hore is-bahaysi la galay Lander, ayaa la saadaalinayaa inuu si weyn uga faa’iideysan doono tirintaas marka loo eego Cuomo.

Guusha lama filaanka ah ee Mamdani ayaa dhabar-jab ku noqon doonta hoggaanka sare ee xisbiga Dimoqraadiga, waxayna rajo gelin doontaa shaqsiyaadka kale ee jira dhanka bidixda-fog ee rajeynaya inay u tartamaan doorashooyinka kale ee dalka oo dhan.

Cuomo waxaa taageeray deeq-bixiyeyaal maalqabeenno ah waxaana taageeray shaqsiyaad badan oo dhexdhexaad ah, oo uu ku jiro Bill Clinton, laakiin Mamdani wuxuu ka faa’iideystay kacdoon taageero oo ballaaran oo ka yimid dhalinyarada gaar ahaan.

Isagoo hadlayay habeenimadii Talaadada, Cuomo wuxuu sheegay inuu taleefan u diray Mamdani si uu “ugu hambalyeeyo.”

“Wuxuu soo abaabulay olole aad u wanaagsan, wuxuuna taabtay dhalinyarada, dhiirigeliyey, kiciyey, wuxuuna ka dhigay inay soo baxaan oo ay codeeyaan,” ayuu yiri Cuomo. “Waxaan si daacad ah ugu ammaanayaa dadaalkiisa.”

Cuomo wuxuu u sheegay wargeyska New York Times in laga yaabo inuu weli u tartamo doorashada guud ee duqa magaalada ee bisha November isagoo ah musharrax madaxbannaan.

“Waxaan doonayaa inaan falanqeeyo oo aan la hadlo qaar ka mid ah asxaabteyda,” ayuu yiri.

Laakiin marka la eego sida ay magaalada New York ugu badan yihiin Dimoqraadiyiinta, iyo sida aan loo jeclayn duqa hadda xilka haya ee Eric Adams, Mamdani ayaa noqon doona kan ugu cadcad ee loo saadaalinayo inuu noqdo duqii 111-aad ee New York.

Tartanka loogu jiro xilka duqa magaalada New York ayaa si weyn isha loogu hayay guud ahaan dalka Mareykanka. Iyadoo ay isku wajaheen labo siyaasi oo Dimoqraadi ah oo aad u kala aragti duwan, waxay bixisay sawir muujinaya waxa ay cod-bixiyayaashu ka doonayaan xisbi ku dhibtooday inuu soo bandhigo aragti mideysan oo ka duwan tan Donald Trump.

Cuomo, barasabkii hore ee siyaasadda dhex-dhexaadka ah, iyo Mamdani ayaa usoo baxay inay yihiin labada musharrax ee ugu cadcad toddobaadyadii ugu dambeeyay ee is-reebreebka, iyadoo Mamdani uu soo yareeyay farqigii u dhexeeyay isaga iyo Cuomo kaddib markii uu helay xamaasad iyo taageero xooggan oo ka timid dhalinyarada New York.

Mamdani wuxuu rajeynayay inuu ka faa’iideysto nidaamka codbixinta ee is-reebreebka ee kala-doorashada, kaasoo u oggolaanaya cod-bixiyayaasha inay shan musharrax u kala horreysiiyaan sida ay u kala jecel yihiin.

Cuomo, oo loo doortay saddex xilli oo uu ahaa barasab ka hor inta uusan isku casilin ceeb kaddib eedeymo la xiriira faraxumeyn galmo, wuxuu tartanka galay isagoo aad uga magac weyn Mamdani, wuxuuna mar haystay 30 dhibcood oo uu kaga horreeyay ra’yi uruurinta. Laakiin sahan la sii daayay Isniintii ayaa muujiyay in Mamdani uu ku guuleysanayo is-reebreebka kaddib wareegyo badan oo tirin ah.

Mamdani wuxuu ku ololeeyay barnaamij bidix fog ah, isagoo ballanqaaday inuu hakinaayo kirada guryaha isla markaana uu basaska ka dhigayo kuwo bilaash ah magaalada oo dhan, ololihiisana waxaa hore u riixay taageerayaal badan oo uu ku leeyahay baraha bulshada oo aad uga badan kuwa la tartamayay.

Waxaa taageertay Alexandria Ocasio-Cortez munaasabad ay ka soo qeybgaleen kumanaan qof bishii Juun, wuxuuna sidoo kale helay taageerada Bernie Sanders, oo ah senetarka laga soo doorto gobolka Vermont.

Cuomo aad looma arkeyn, wuxuuna ka fogaaday isu soo baxyada waaweyn isagoo doorbiday kulamo si adag loo maamulay oo uu kula yeeshay xafiisyada ururada shaqaalaha iyo goobo kale oo yar yar. Markii uu tartanku isku soo dhowaaday, ololihiisa iyo ururada taageersanaa – oo qaarkood ay maalgelinayeen deeq-bixiyeyaal bilyaneero ah oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga – waxay si gaar ah diiradda u saareen inay weeraraan Mamdani, iyagoo malaayiin doollar ku bixiyay xayaysiisyo boostada lagu diro iyo kuwa telefishinka.

Wargeyska New York Times wuxuu tebiyay in Cuomo uu ka faa’iideystay in ka badan $25 milyan oo doollar oo ah kharash dibadda ah (outside spending) intii lagu jiray is-reebreebka, taasoo ah rikoor cusub oo magaalada ah.

Codbixinta hore waxay ka bilaabatay New York 14-kii Juun, magaaladuna waxay sheegtay in in ka badan 380,000 oo qof ay codkooda dhiibteen illaa Axaddii, taasoo laba jibaar ka badan tiradii codaysay doorashadii is-reebreebka ee 2021. Mowjad kulul oo Talaadadii jirtay – heerkulka New York wuxuu gaaray 100°F (38°C) – uma muuqan inay yareysay soo bixitaanka dadka, iyadoo lagu qiyaasay in ka badan 1 milyan oo qof ay codeeyeen, sida ay tebisay warbaahinta CBS New York.

Guuleystaha is-reebreebka looma dammaanad qaadayo inuu noqon doono duqii 111-aad ee magaalada New York, laakiin aad ayay u dhowdahay suurta-galnimadaas marka la eego magaalada ay si weyn uga badan yihiin Dimoqraadiyiinta diiwaangashan marka loo eego Jamhuuriga.

Duqa hadda xilka haya, Eric Adams, oo ku guuleystay doorashadii 2021 isagoo Dimoqraadi ah laakiin sanadkan u tartamaya musharrax madaxbannaan, si weyn loogama jecla magaalada. Sannadkii hore, Adams waxaa lagu soo oogay dacwado la xiriira inuu qaatay laaluush iyo inuu aqbalay tabarucaad olole oo shisheeye, laakiin dacwadahaas waa la laalay bishii Abriil kaddib markii ay soo faragelisay dowladdii Trump.

- Advertisement -

Read more

Local News