Dowlada Itoobiya oo faa’iido dhaqaale ka abuurtay xiisada Puntland iyo Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Xiisada ka dhex aloosan Somaliland iyo Puntland ee ku saleysan gacan ku haynta deegaanada ayaa waxa si weyn uga faa’iideysatay dowladda Itoobiya, gaar ahaan dowlad deegaanka Soomaalida, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Itoobiya ayaa faa’iido dhaqaale oo buuran ka sameysay xiisada labada dhinac, iyada oo si toos ah canshuuraha uga qaadata deegaanka Buuhoodle oo ay si weyn ugu muransan-yihiin labada maamul.

Dowladda deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa ciidamadaasi geeyay Buuhoodle, kuwaasi oo ka sameystay bar kantarool oo ay ku baaran gawaarida soo galeysa ama kasoo baxeysa deegaankaasi, iyagoona ka qaadaya canshuur aan xadi laheyn.

Mid kamid ah dirawaliinta wadadaasi mara oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay inay dhibaato ba’an ku hayaan ciidamadaasi oo si toos ah uga amar qaata dowlada Itoobiya.

Ciidamadaasi oo ay ku jiraan Liyuu booliska ayaa canshuuro qasab ah ka qaada gaadiidka kasoo baxaya deegaankaasi, iyada oo mararka qaarna ay kala kulmaan hanjabaad iyo jir dil.

Buuhoodle ayaa inta badan waxa gacan ku haynteeda sheegta maamulada Puntland iyo Somaliland, walow aysan halkaasi si dhab ah uga talin, inkasta oo mararka qaar ciidamo ay labada dhinac soo dhooban ku dagaalaman deegaankaasi.

“Buuhoodle waxay noqotay deegaan ka tirsan Itoobiya, gaar ahaan ka dowlad deegaanka Soomaalida ee dalkaasi, waxaana gacanta ku haya oo canshuuro qasab ah naga qaada ciidamo ay kantarool uga sameysay duleedka deegaankaasi” ayuu yiri Dirawalka la hadlay Shabakada oo aan qarinay magaciisa.

Ciidamada Liyuu booliska ayaa markii hore deegaankaasi ku yimid nabadeynta iyo kala dhex-galida ciidamada labada maamul ee deegaankaasi ku dagaalama, inkasta oo uu markii dambe is badalay ujeedkoodu, sida naloo xaqiijiyey.