Israel oo taageertay arrin ay soo jeediyeen Sacuudiga

Tel Aviv (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa twitter-ka dhigay qoraal uu ku taageerayo Sacuudiga, isaga oo cambaareeyay Iran, isla markaana yiri, “Jamhuuriyadda Iran waa cadowga dhammaanteen,” taasi oo sii xumeyneysa xiriirka labada dal.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran wuxuu dadka la wadaagay qoraal uu daabacay wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga Caadil Al-jubeyr, uuna ku sheegay in Iran ay tahay wadankii ugu horreeyay ee taageera argagixisadda aduunka oo dhan.

Akoonka luuqadda Carabiga ah ee wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil uu ku leeyahay Twitter-ka ayaa qoraal uu soo dhigay waxa uu ku yiri, “Iran waa isha argagixisadda, waxayna dhex-gashay afar wadan oo Carbeed, Siiriya, Liibiya, Yemen, iyo Ciraaq iyadoo ka abuurtay musuq-maasuq, haba sheegin baahinta khalalaasaha iyo khatar gelinta dalalka deriska ah.”

“Iran waa cadowga dhamaanteen” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil.

Iyadoo Sucuudiga iyo Israa’iil aysan wadaagin xiriir rasmi ah oo dublamaasiyadeed, sanadihii u dambeeyay wadamo ku yaalla gacanka ayaa hagaajinayay xiriirka ay la leeyihiin Israa’iil.

Wareysi uu laba sano ka hor siiyay wargeyska fadhigiisu yahay Mareykanka ayaa dhaxal sugaha awoodda badan ee Sucuudiga Maxamed bin Salmaan, waxaa uu aad u booriyay in xiriir wanaagsan lala yeesho Isra’iil.

Maxamed Bin Salmaan waxaa la weydiiyay “Hadii ay dadka Yahuudu xaq u leyihiin dal in ay ku yeeshaan ugu yaraan qayb ka mid ah dhulkii awooweyaashood?”

Waxuuna ku jawaabay “Waxaan rumeysanahay in dad walba, meesha ay doonaan ha joogeene ay xaq u leeyihiin in ay ku noolaadaan wadankooda oo nabad ah”.

Hadalkiisu waxaa uu jabiyay siyaasad rasmi ah oo gobolku uu lahaa, taasi oo ahayd in wadan madax-banaan oo Falastiin ay leedahay la sameeyo, ka hor inta aan maamulka Isra’iil la aqoonsan.

Hadalka Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa waxaa uu imaanayaa saacado kadib markii Sucuudigu uu ku biiray baaqa Mareykanka ee ah in la kordhiyo cuno-qabateynta 13-sano jirsatay ee Qaramadda Midoobay ay saartay dalka Iran, taasi waqtigeedu ku egyahay bisha October ee sanadkan 2020-ka.

Mareykanka, Israa’iil iyo Sucuudiga waxay soo jeediyeen in xayiraada oo laga qaado Tehran ay u ogolaan karto in ay xasilooni darro ka abuurto gobolka, iyadoo hubeyneysa xoogagga taageersan ee gobolka ka howlgala.

Mareykanka ayaa waxaa uu balan-qaaday in uu joojin doono in waqtigu ka dhamaado cuno-qabateynta Qaramadda Midoobay – laakiin Shiinaha iyo Ruushka oo labaduna codka diidmadda qayaxan ku leh Golaha Amaanka ayaa ka soo horjeeda in la kordhiyo mudada cuno-qabateynta saran Iran.

Ugu yaran seddax xubnood oo kale kana tirsan Golaha Amaanka ayaa diiday qorshaha Mareykanka ee cuno-qabateynta Iran.