Soomaalida Maraykanku yay taageerayaan doorashada dalka ka dhaceysa 2020?

Inta aanan ka jawaabin su’aashaas, sheeko yar aan idinla wadaago.

Ku dhowaad dhamaadkii dagaalkii labaad ee Dunida (1943-45) markii Jarmalka la jabiyay, Ingriiis iyo xulafadiisiina ay guulaysteen ayaa abwaan Soomaaliyeed oo reer Hargaysa ahaa, lana oran jiray Maxamed Nuur Laangare, la yiri boqoraddii Ingriiska u tiri gabay cabbiraya guusha Ingriiska iyo jabka Jarmalka.

Dabadeed wuxuu tiriyaya gabay ay ku jireen tixaha hoos ku qoran.

Mar hadaan gurigayga
gidhligaanka gariiriyo
Garnayl loola tagaynin
Iglan (England) baa gubanaysa
Maxaa iiga gidhiisha

Gudaha ceelka hargeysa
Weligay gees uma dhaafin
Bal maxaa laba gaal
oo abtirsiimo gudboon
Midkood aan u gumayn
Midna guusha u siin
Maxaa iiga gidhiisha

Gudaha ceelka hargeysa
Waligay gees uma dhaafin
Inta aan wax gasiintiyo
Intaan gaajo ku seexday
Hadii aan isu geeyo
Mala waa isku gow e
Mar haddaan ka gabyay
oon go’aygiina ka qaatay
Maxaa iiga gidhiisha

Abwaan Laangare wuxuu cabbiray in Ingiriis iyo Jarmal kii dagaalka ku guulaystaba aysan waxba isaga ka khusayn, wax saamayn ahna ku lahayn dantiisa iyo nolol maalkeedkiisa iyo tan Soomaalidii waqtigaas noolayd toona.

Anagoo ka tusaale qaadanayna gabayga abwaan Maxamed Nuur Laangare, aan is waydiino Soomaalida qurbaha ku nool ma ka qayb gali karaan doorashooyinka ka dhaca waddamad ay ku nool yihiin, sharci dhalashna ka haystaan?

Dad badan oo qowmiyad walba leh baa aaminsan in hal qof codkiisu uusan waxba baddali karin sidaa awgeed aysan codayn, dadka kalana ka niyad jabiya inay codeeyaan.

Aniga aragtidaydu taas way ka duwan tahay waxaana aaminsanahay in cod kasta uu saamayn leeyahay, qofkii aan codayna uusan cidna qiimo u lahayn, wixii dhib ah oo soo gaarana ama danihiisa ka hallaabana uusan cidna ku eedayn karin.

Cod bixinta ka dhacda waddan gudihiisa guud ahaan waxaa loo kala qaadi karaa saddex heer: degaan, gobol, iyo heer qaran. Natiijada doorasho walbana siyaabo kala duwan bay u saamayn kartaa qof kasta oo ku nool waddankaas.

Dadka la doorto waxay fuliyaan barnaamijyadii iyo ballan qaadyadii sababay inay guulaystaan. Marka qofkii aan codkiisa dhiiban wuxuu ka dhigan yahay qof aan jirin, danihiisana cidna u taagnayn. Wixii ka xumaada noloshiisa iyo danihiisana cid aan isaga ahayn oo uu ku eedayn karo ma jirto.

Taana waxaa cabbiraya murtida Soomaaliyeed ee oranaysa “Ceelna Uma Qodna, Ciidana Uma Maqna.” Ama tan kale ee oranaysa “Nimaan hadlin Hooyadiiba Qadisay.”

Sidaa awgeed waa muhiim in qof walba codkiisa dhiibto oo uu u codeeya qofka uu is leeyahay wuxuu u taagan yahay waxayaaba isaga ama bulshadiisa ama waddankiisa dantu ugu jirto. Haddii dadka tartamaya oo dhan ay yihiin dad ay aad u kala fikrada ama dan duwan yihiina, uu u codeeyo qofka uu is leeyahay saamaynta ugu yar buu danahaada ku yeelan karaa. Haddii ay dantu kugu khasabto inaad kala dooratid laba wax ama laba qof oo labaduba xun yihiin waxaa la qaataa ama la doortaa hadba kii labada shiddo ama dhib yar.

Gabayga abwaan Maxamed Nuur Laangare wuxuu ku cabbirayay fikirkiisa ahaa anigoo Soomaaliya jooga maxaa iga galay dagaal, guul iyo jab ka dhexeeya  Ingiriis iyo Jarmal. Laakiin hadda Soomaali badan ba sharci dhalasho ku leh waddamo awal noo ahaa shisheeye. Soomalida noocaan ahna in badan oo ka mid ah meeshayba ku dhasheen waligoodna Soomaaliya ma arag, waxaana laga yaaba inaysan waligoodba dib ugu laaban Soomaaliya.

Haddaan u soo laabano doorashada Maraykanka, waxaa muhiim ah in qof walba uu codkiisa dhiibto, doortana qofka uu is leeyahay danaahada buu u istaagayaa. Danahaas ha ahaadeen kuwo degaan, kuwo gobol, kuwo qaran, ama kuwo caalami ah.

Mana aha in cudurdaar laga dhigto codkayga keliya waxba ma baddali karo. Cod waliba samayn buu leeyahay ee ha noqon qof nool oo aan la tirsan.

Axmed Bashir – Waxaad kala xiriiri kartaa bashir1631@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid