Soomaaliya ilaa Libya: Sidee Sacuudi iyo Imaaraad ugu fashilmeen dunida Carabta?

By Mohamed Ahmed

Qaahira (Caasimada Online) – Gugii Carbeed ee 2010- 2011, waxaa uu dunida carbeed ku hogaamiyay tarar siyaasadeed iyo mid dhul ahaaneed, ayada oo hoggaamiyeyaal badan oo caan ah ay ku baxeen.

Ugu horreyn, kadib kacdoonadii Masar iyo Tunisia, Juquraafi-siyaasadeed saddee geesood ah ayaa kasoo muuqatay Bariga dhexe. Qayb kacdoonka kasoo horjeeday oo ay hogaaminayeen Sacuudiga iyo Imaaraadka, qeyb islaamiyiin isbedel doon ah oo ay hogaaminayeen Turkiga iyo Qatar, iyo gees iska caabin ah o ay ka midyihiin Iran, Siiriya iyo Xisbullah.

Siyaasadaha iyo xeeladaha dhinaca u janjeera

Colaadaha hubeysan ee Liibiya iyo Siiriya ayaa kala soocday mowqifyada dhinacyada. Iyadoo garabka Iska caabintu uu la dhacsanaa kacdoonada, garabyada Riyad-Abu Dhabi iyo Ankara-Doxa waxay u midoobeen inay la dhacsanaayeen in Mucamar al-Qadafi laga tuuro talada Liibiya iyo in meesha laga saaro Bashaar Al-Assad-ka Siiriya. Ujeedka ugu weyn ee Sucuudi Carabiya waxaa uu ahaa in ay ka hortagto farogelinta Iran ee gobolka.

Xaqiiqdii, Sedaxdaas geesood waxay u buurmeen siyaasad iyo goobo istaatiiji ah dartood balse uma aysan sameysmin arrimo diineed. Ma ahan mucaaradad u dhaxaysa Sunniga iyo Shiicada taasi oo go’aamineysa qaybinta juquraafi-siyaasadeedka Bariga Dhexe.

Garabka Abu Dhabi iyo Riyadh laguma qeexin in ay doonayaan difaaca Suniyiinta, laakiin waa xiriirka dhow ee ay la leeyihiin Washington, waxay daneynayaan in ay hagaajiyaan xiriirka ay la leeyihiin Israel, iyo cadaawad ka dhan Iran.

Bishii july 2013-kii, Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa guul weyn ka gaaray Masar kadib afgambigii lagu sameeyay Maxamed Mursi iyo maamulkii Ikhwaanul muslimiinka. Waxaa talada yimid Cabdul Fitaax Al-Sisi, nakhshadeeyihii ka hor-tagga kacdoonka Masar.

Hubinta la’aanta Sacuudiga

Dalka Siiriya, farogelinta militari ee Ruushka ayaa badbadisay Al-assad, iskudaygii lagu tuuraayayna ka dhigay mid aan guuleysan. Sacuudi Carabiya waxaa ugu dambeyn Siiriya looga adkaaday April, 2018-kii.

Taageeradda Sucuudigu siinayo kooxda Salafiga ah waxay sidoo kale muujineysaa madmadowga Riyadh ee la xiriira Islaamka. Ikhwaanul Muslimiinka waxaa lagu nacay isbedelka ay sameynayaan, laakiin qaar ka mid ah kooxaha Salafiga ayaa laga ogolaaday Masar iyo Siiriya.

Sideed bilood ka dib markii laga adkaaday kooxihii joogay bariga Ghouta ee Sacuudiga taageerayay, Imaaraadka Carabta ayaa dib u furay safaaradiisii uu ku lahaa Dimishiq islamarkaana si toos ah u soo celiyay shaqadii Safaaradda.

Maanta xukuumadaha Riyadh iyo Abu Dhabi dhibaatooyin ayaa ka heysta Liibiya. Imaraadka, Masar iyo Sacuudiga waxay taageerayaan Khaliifa Haftar, oo dagaal kula jira Dowladda caalamku aqoonsanyahay ee uu hogaamiyo Fayez Al-Sarraj.

Isbahyasi baylahan

Sanadihii u dambeeyay, Imaaraadka Carabta ayaa u muuqday inuu dib u qeexayo hortabintiisa, taasi oo mararka qaar iska soo horjeeda, si ay u difaacdo xasiloonideeda iyo maamulkeeda dhexe ee ka dhanka ah Dimoqaraadiyadda.

Imaaraadka ayaa sidoo kale waxaa uu doonayaa isku xir dhanka badda ah, xitaa hadii ay noqoneyso xoojinta gooni u goosadka Somaliland ee Soomaaliya iyo Koonfurta Yemen.

Dalka Yemen, xulifadda uu Sucudigu hogaaminayay ee ka dhanka ahayd Xuutiyiinta ayaa baaba’day. Militari ahaan iyo Siyaasad ahaan, kadib muddo ka badan shan sano oo dagaal ah, xuutiyiinta oo maamulka Sanca iyo inta badan Yemen ayaa xoogeystay.

Sucuudiga maamul xoogan kuma lahan Yemen: Woqooyiga iyo koofurta ayaa waxaa hogaamiya Xuutiyiinta iyo gooni u goosatada Imaaraadka taageero..

Siyaasad arrimo dibadeed fashilantay

In Imaaraadka Carabtu uu ka xoroobay xulufadii uu kula jiray Riyadh waxay leedahay cawaaqib la xusi karo oo Juquraafi-siyaasadeed ah. Xiisadda u dhaxaysa Imaaraadka iyo Turkiga ayaa la tartameysa dagaalka qabow ee ka dhexeeya Iran iyo Sacuudiga.

Ug dambeyntii, natiijadda xulifadda Sucuudiga iyo Imaaraadka ee dunida carbeed aad uma ifeyso. Afgambigii Mursi ee Masar ka dhacay keliya ayaa guul u ahaa. Dadweynaha Carbeed kuma qanacsana maamulka Dowliga ah ee xukunka dhexe, taasi oo dadka Algeria iyo Lebanon ay dhowaan muujiyeen.

Natiijadda siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Sucuudiga waa musiibo: Sucuudigu waa uu ka tagay Ciraaq,  Siiriya waa looga adkaaday, Lubnaan dib ayuu uga gurtay, guul darro ayaa ka heysata Yemen, waxaana uu gebi ahaanba si khaldan u xisaabiyay Istiraatiijiyadda Liibiya.

Imaaraadka waa ka yara roon yahay Sacuudiga, oo Yemen wuxuu haystaa taageerada gooni u goosatada koonfureed, laakiin Soomaaliya waxaa kaga adkaaday Qatar, inkasta oo ay ku xiran yihiin Somaliland oo federaalka Xamar uu dunida kala kasoo go’doomiyey. Libya, waxaa kaga adkaanaya Turkey iyo Qatar, shirqoolkoodii Tunisa-na waa laga hortagay.

Sacuudi iyo Imaaraad waxay isku haystaan hormuud Carabta iyo Islaamka, balse sanadihii dhowaa waxay guul-darraba u dhiibeysay mid kale.