29.4 C
Mogadishu
Saturday, April 18, 2026

Ciidanka Haramcad oo la wareegay ammaanka Baydhaba kadib xaalad soo korortay

Bookmark
Bookmarked

Share

 Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa lagu soo warramayaa inay si buuxda ula wareegeen ammaanka guud ee magaalada Baydhaba, kadib banaanbaxyo Jimcihii shalay ka dhacay gudaha magaladaasi, kuwaas oo looga soo horjeeday diidmada shilinka Soomaaliga.

Ciidamada Haramcad ayaa ku baxay xaaladda soo korortay, waxayna howlgal ka sameeyeen gudaha magaalada, iyaga oo sidoo kale la hadlay ganacsatada iyo dadka deegaanka, si loo dajiyo xaaladda.

Taliyaha ururka labaad ee guutada Haramcad Saxnuuni Cabdulqaadir Axmed oo hoggaaminayay howlgalka ayaa ganacsatada amray inay furaan goobahooda ganacsiga, ayna qaataan lacagta shilinka Soomaaliga ah.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in aan la aqbali karin in la diido shilinka Soomaaliga ah, ayna tallaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo ka hor imaata amarka dowladda, maadaama ganacsatada la faray in ay qaataan.

La wareegidda ciidanka Haramcad ee amniga Baydhaba ayaa kusoo aadayo, xilli haatan magaaladaas ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo ku aadan doorashooyinka maamulkaas oo isugu jiro Goleyaasha Deegaanka, Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha, maadaama uu isbeddel dhacay.

Dowladda Federaalka ayaa si guud u farogelisay Koonfur Galbeed, iyada oo meesha ka saartay madaxweynihii maamulkaas Cabdicasiis Laftagareen, kadib markii uu ka horyimid qorshaha dowladda dhexe ee doorashooyinka dalka.

Xaaladda guud ee magaalada ayaa ah mid deggan, waxaase soconayo kulamo siyaasadeed oo loogu diyaar garoobayo doorashooyinka, maadaama lasoo dooranayo Xildhibaanno iyo Madaxweyne ay yeelan doonto Koonfur Galbeed.

- Advertisement -

Read more

Local News