27.1 C
Mogadishu
Wednesday, June 3, 2026

Daawo: Booliska oo war kasoo saaray dagaalkii galabta ka dhacay Howl-wadaag

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay iska horimaad galabta ka dhacay degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka hoyga uu degmadaas ka degan yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre.

Dagaalka ayaa sababay dhimasho, dhaawac iyo cabsi xooggan oo soo wajahday dadka shacabka ah ee ku nool xaafadaha ku dhow goobta uu iska horimaadku ka dhacay.

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed, G/le Cabdifataax Aadan Xasan, oo qabtay shir jaraa’id oo degdeg ah, ayaa sheegay in dagaalku bilowday kadib markii kooxo uu ku tilmaamay “maleeshiyaad hubeysan” ay weerar ku qaadeen bar-kantarool ay ku sugnaayeen ciidamada booliska.

“Taliska Booliska Soomaaliyeed wuxuu u caddeynayaa bulshada Soomaaliyeed in galabta 5:00 galabnimo, ciidanka booliska oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo, kuna sugnaa bar-kantarool, ay soo weerareen koox maleeshiyaad ah oo u abaabulan qaab lid ku ah nabadgelyada ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Wuxuu sheegay in ciidamada booliska ay ka jawaabeen weerarkaasi, isla markaana ay qaadeen tallaabo uu ku sheegay mid sharciga waafaqsan.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ayaa ka jawaabay falkii guracnaa ee maleeshiyaadkaasi kusoo weerareen. Boolisku tallaabo sharciga waafaqsan ayuu ka qaaday kooxihii weerarka kusoo qaaday goobtaas,” ayuu yiri Cabdifataax Aadan Xasan.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in kooxihii weerarka qaaday aysan u kala soocin ciidamada ammaanka iyo dadka shacabka ah, taas oo uu sheegay inay muujineyso in ujeedkoodu ahaa carqaladeynta amniga magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in wixii galabta dhacay looga gol lahaa in lagu qalqal geliyo nabadgelyada caasimadda, xilli uu sheegay in Muqdisho ay muddooyinkii dambe ka nasatay falal amni darro oo ay geysan jireen kooxaha argagixisada.

Dagaalka galabta ayaa, sida ay wararku sheegayaan, dhexmaray ciidamada dowladda iyo ciidamo ilaalo u ah Xasan Cali Kheyre. Labada dhinac ayaa isu adeegsaday rasaas xooggan, taasoo cabsi gelisay dadka ku nool xaafadaha ku dhow halka uu iska horimaadku ka socday.

Xasan Cali Kheyre ayaa dhankiisa sheegay in isaga iyo Ugaaska beesha Murusade la geliyay xaalad halis ah, xilli uu kulan kula jiray odayaasha dhaqanka. Ma jiro war madax-bannaan oo si buuxda u xaqiijinaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.

Afhayeenka Booliska ayaa sidoo kale digniin adag u diray dhinacyada siyaasadeed ee abaabulaya bannaanbax ay sheegeen inuu berri ka dhacayo magaalada Muqdisho, kaas oo looga soo horjeedo waxa mucaaradku ku tilmaamayaan muddo kororsi loo sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed umadda Soomaaliyeed uguma wakiil aha la dagaallanka cudurrada faafa, balse waxay u jiraan ilaalinta nabadgelyada iyo kala dambeynta,” ayuu yiri Afhayeenka.

Wuxuu intaas raaciyay: “Qof kasta ama koox kasta, magac kasta ha lahaadeene, haddii ay dhibaateynayaan nabadgelyada ummadda Soomaaliyeed, waxaa laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan.”

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa caawa gashay jawi kacsan, iyadoo ciidamo badan oo dowladda ka tirsan lagu arkayo waddooyinka muhiimka ah iyo xaafadaha ay deggan yihiin qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Isu socodka qeybo ka mid ah magaalada ayaa xaddidan, waxaana dadka shacabka ah soo food saaray cabsi iyo welwel la xiriira xiisadda siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka socda caasimadda.

Kooxaha mucaaradka ayaa doonaya inay maalinta berri ah dhigaan dibadbax ay uga soo horjeedaan muddo kororsiga ay ku eedeynayaan dowladda federaalka. Dowladda ayaa sheegtay inay ogolaatay in dibadbaxu ka dhaco saddex goobood oo cayiman, balse mucaaradka ayaa diiday xaddidaaddaas, iyagoo ku adkeysanaya in la siiyo xorriyad buuxda oo ay ku muujiyaan aragtidooda siyaasadeed.

Xiisadda ayaa timid xilli khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay arrimaha doorashooyinka iyo muddada xilka dowladda uu sii xoogeysanayo, waxaana dhacdadii Howlwadaag ay sare u qaaday cabsida laga qabo in muranka siyaasadeed uu isu beddelo xaalad amni oo ka ballaaran.

- Advertisement -

Read more

Local News