Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa weli kacsan, iyada oo lasoo warinayo in saaka xaafadda Warlaliska laga dareemayo xiisad xooggan iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in saaka ay degmada gudaha u galeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo wata gaadiidka dagaalka iyo Cagaf-Cagafyo, waxaana kusoo baxay dadka deegaanka oo diidan in la burburiyo guryahooda, taas oo keentay in la dareemayo xaalad adag oo kacsanaan ah.
Ciidamada ayaa fulinaya amar kasoo baxay dowladda oo ku aadan burburinta dhulkaasi, halka shacabkana ay diidan yihiin, waxaana haatan ay isku horfadhiyaan xaafadda Warlaliska oo ah halka ay ka taagan tahay xiisadda.
Xiisadda oo saameynteeda si weyn looga dareemay Dayniile ayaa horay u sababtay gacan ka hadal dhex-maray labada dhinac, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo u badan dhaawac iyo burbur hantiyeed, iyadoo sidoo kale ay waxyeeello gaartay ciidamada.
Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha amniga iyo maamulka degmada Dayniile oo ku aadan xiisaddan oo u muuqato mid kasii dareyso.
Xaaladda ayaa sii cakirmeysa, waxaana socda dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul ay wadaan dadka deegaanka oo adeegsanayo dhagaxyo iyo waxyaabaha kale ee ay heli karaan, si ay uga hortaan ciidamada ammaanka.
Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa meelo badan oo kamid ah caasimada waxay ka sameysay burburin iyadoo maalmihii u dambeeyay cagta la mariyay xaafado ka tirsan degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa ee gobolka Banaadir.

