Sheekh Shariif oo shaaca ka qaaday qorshe ciidamo iyo dowlado shisheeye loogu adeegsan rabo (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa galabta hadal ka jeediyay munaasabad ay soo qaban qaabisay Madashu oo lagu xusayey maalmaha xorriyadda Soomaaliya.

Sheekh Shariif  oo inta badan hadal jeedintiisa diiradda ku saaray arrimaha doorashooyinka ayaa sheegay in haatan aysan muuqan hab doorasho heshiis lagu yahay, taas oo sida uu sheegay su’aal gelineysa halka loo socdo.

Waxa uu sidoo kale shisheeye in dowladda ay dooneyso in dowlado iyo ciidamo shisheeye ay dadka u qabtaan.

“Hadii dowladdu ay ku fekereyso dowlado shisheeye ayaa dadka idiin qabanaaya cid na qaban karta ma jirto, hadii ay ku fekeraayaan ciidamo ayaa idiin tababaran, kuwo kale ayaa idiin imaanaya, AMISOM ayaa joogta, taasi wax dhici kara ma’ahan, anaga sharciga unbaa na qaban kara, sharcigaas qabyada ah aan wada ilaashano, qabiil, qori, iyo dagaal, midna ma rabno, dastuurka unban rabnaa,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale sheikh Shariif ayaa sheegay in hey’adaha dowladda qaarkood aysan hada wada shaqeyn oo ay u baahan yihiin dib u heshiisiin, isaga oo ku baaqay in miiska la isugu yimaado dib u heshiisiin guud.

“Anaga dhan waxaa u baahanahay dib u heshiisiin, hey’adaha dowladda dib u heshiisiin u baahan, waxaa leeyahay waqtiga inta uusan tagin miiska imaada, talo waxaa heysiin keena colaad la idin ma qabo talaa la idinku daraa, annaga waxaa rabnaa qarankaan in uusan faraheena ka bixin, ummaddo badan burburay, kuwaa hadda burburaya, maxaa loo burburaa dastuurka ayaa la ogoleyn, dastuurka waa in la ogolaado,” ayuu yiri madaxweyne Sheekh Shariif.

Isaga oo sii hadlayey ayuu yiri, “Doorasho waxay u baahan tahay jawigeeda in la diyaariyo, jawiga ma diyaarsana, maanta haddii hab la isku waafaqo asigaa waqti u baahan oo doorasho lagu qabto, maxaa yeelay mid mid la socdo naguma jiro, waxaa ka soo qaadaa hey’adaha dowladda kaliya heer federaal iyo heer maamul goboleed ma wada shaqeeyaan, golaha shacabka iyo aqalka sare waa kala tageen.”

Sidoo kale guddoomiyaha Madasha Sheekh Shariif ayaa soo hadal qaaday arrimaha guddiga doorashooyinka isagoo sheegay in eed gooni ah uusan saareyn oo inta badan wixii loo diray ay qabteen.

“Arrinta guddiga doorashooyinka waa dadaaleen, wixii ay qaban kareen ayey qabteen, anigu ma rabo aad in aan u eedeeyo, laakiin waxaan rabaa in aan dhaho mas’uuliyad aysan laheyney qaateen, tusaale doorashadu waxay u baahantahay, amni, heshiis iyo dhaqaale, guddiga doorashooyinkuna intaas mas’uuliyadi kama saarna, bilaha ay soo bandhigeena macada waxa lagu beys gareeyay, macnaheedu taas waa doorasho goor ay dhaceyso lama yaqaano,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Hoos ka Daawo