Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir oo uu horkacayo guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta qaaday tallaabo deg-deg ah oo la xiriirta Warta Siigaale, kadib markii roobkii ka da’ay caasimada uu burburiyay qayb kamid ah warta oo isku xirto illaa todobo degmo oo ka tirsan gobolka.
Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir oo kormeer ku teegay Warta Siigaale ayaa sheegay in dib loo amba-qaaday dhismaha warta, isla markaana la guda galay wajigii labaad si loo dhammaystiro.
Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in wax lacag ah aan lagu soo dalici doonin maamulka gobolka, ayna shaqada qaban doonto shirkaddii dhistay wajiga koowaad ee Warta Siigaale ee degmada Hodan.
“Waxaan joognaa Warta Siigaale oo ah biyo qabad wayn oo isku xira 7 degmo oo ka tirsan magaalada Muqdisho roobabkii xalay da’ay waxay saameeyeen meelo yaryar sida aan wada ognahay wartan waxay mareysay laba waji waxaa soo dhammaaday qaybtii koowaad oo duqa magaalada uu xarig jaray hadda waxaan ku guda jirnaa dhismaha wajiga labaad oo ah qayb adag biyaha waxay kamid yihiin musiibooyinka dabiiciga ah oo aadka u qatarta badan ka magaalo ahaa iyo maamul ahaana waa u diyaarsanahay” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenku.
Waxaa kale oo uu kusii daray “Ma jirto wax lacag ah oo lagu soo dalacayo dowladda Hoose, waxaana si sdegdeg ah dib loogu ambaqaaday hawlihii dhismaha”.
Wartan ayaa loo dhisay in lagu xakameeyo biyaha roobka iyo fatahaadaha, si looga hortego waxyeelo soo gaarta shacabka iyo hantidooda.
Dhanka kale, waxa uu xusay in ay soo kormeereen laamiyadii la dhisay iyo biyo qabadyada kale, isla markaana aysan jirin wax cilad ah oo soo laabtay.
“Duqa magaalada inta uu joogay waxaan sameynay biyo qabadyo waa wayn iyo dhismayaal laamiyo oo si casri ah loo dhisay midna wax dhaawac ah kuma imaan”. ayuu mar kale yiri ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud.

