27.9 C
Mogadishu
Saturday, April 18, 2026

Dagaalka IIRAAN ma waxaa xiga mid Turkey iyo Israa’iil ah? – Tom Barrack oo xog bixiyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Antalya (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka, Tom Barrack, ayaa hoos u dhigay xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa dalalka Turkiga iyo Israa’iil, isagoo ku sifeeyay mid ku eg “hadallo xamaasad leh”, wuxuuna ku baaqay in labada waddan ay yeeshaan iskaashi dhanka amniga iyo mashaariicda tamarta ah.

Isagoo ka hadlayay Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya (Antalya Diplomacy Forum), Barrack ayaa meesha ka saaray cabsida ay muujiyeen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta labada dhinac ee ah in labadan dal uu dagaal dhexmaro mustaqbalka dhow. Wuxuu si adag u sheegay in “Turkigu uusan ahayn dal lagu ciyaari karo.”

Ergeyga ayaa tilmaamay in labada waddan ay iska aaminsan yihiin aragtiyo khaldan, arrintaas oo uu eeddeeda dusha u saaray warbaahinta oo tabisa warar buunbuunin ah oo labada dalba ku tilmaamaya kuwo dhul-ballaarsi wada.

“Haddii aad ka soo toosto Tel Aviv oo aad wargeys aqriso, waxaad arkeysaa sawir-gacmeed muujinaya ‘Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ee 2.0’, taas oo ka soo bilaabata Vienna ilaa Maldives. Dhanka kale, haddii aad Istanbul ka soo toosto oo aad wargeyska aqriso, waxaad arkeysaa ‘Israa’iiltii Weyneyd’,” ayuu yiri Barrack.

Taariikh ahaan, Turkiga ayaa ahaa dalkii ugu horreeyay ee Muslimiin u badan yihiin oo aqoonsada dowladda Israa’iil sanadkii 1949-kii, iyagoo inta badan taariikhdooda casriga ah lahaa xiriir wanaagsan oo dhanka amniga iyo ganacsiga ah.

Balse xiriirkaas ayaa isbeddelay wixii ka dambeeyay sanadkii 2010-kii, markii ciidamada Israa’iil ay weerareen markabkii Mavi Marmara oo gargaar u waday Gaza, halkaas oo ay ku dileen 10 qof oo u dhashay Turkiga. Tan iyo xilligaas, xukuumadda Ankara ayaa si isdaba joog ah u cambaareyneysay dhibaatooyinka ay Israa’iil ku hayso Falastiiniyiinta.

Isku-daygii ugu dambeeyay ee lagu doonayay in xiriirka dib loogu soo celiyo bishii Sebteembar 2023, markaas oo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ay markii ugu horreysay gacan-qaad iyo kulan ku yeesheen New York, ayaa burburay bil un kadib, ka gadaal weeraradii 7-dii Oktoobar ee Xamaas hoggaamineysay iyo xasuuqii xigay ee ka dhacay Gaza.

Wixii xilligaas ka dambeeyay, madaxda labada dal ayaa isweydaarsanayay hadallo kulul, iyadoo ra’iisul wasaarihii hore ee Israa’iil, Naftali Bennett, uu bishii Maarso ku sifeeyay Turkiga inuu noqon karo “Iiraanta xigta”.

Dowladda Mareykanka ayaa si weyn u taageertay hawlgallada milateri ee Israa’iil ee gobolka, oo uu ku jiro dagaalka Iiraan. Si kastaba ha ahaatee, maadaama Turkigu xubin muhiim ah ka yahay gaashaanbuurta NATO, uuna Madaxweyne Donald Trump horay u muujiyay sida uu ula dhacsan yahay Erdogan, saraakiisha Mareykanka ayaa isku dayaya inay dib u soo nooleeyaan xiriirka labada dal.

Barrack ayaa madasha Antalya ka sheegay in kororka qiimaha tamarta ee ka dhashay dagaalka Iiraan uu si dhab ah u muujiyay muhiimadda iskaashiga gobolka si loo sugo amniga tamarta. Wuxuu xusay in xargaha isgaarsiinta (fiber optics), iyo sidoo kale shidaalka iyo gaaska ka imanaya dalalka Azerbaijan iyo Armenia ay dhammaantood soo maraan Turkiga.

Wuxuu ku taliyay in Israa’iil ay yeelato isbahaysi la mid ah kan ay la leedahay Abu Dhabi. “Sacuudi Carabiya waxay xulufo la noqon kartaa Israa’iil, waana taas xalka u horseedi kara barwaaqo shacabka Israa’iil,” ayuu raaciyay.

Ergeyga ayaa ugu baaqay Israa’iil inay qaaddo tallaabo ka sii weyn, oo ay isku daydo in ay Turkiga ku soo darto Ciidamada Xasilinta Caalamiga ah ee loo qorsheeyay Gaza, kuwaas oo qayb ka ahaa heshiiskii xabbad-joojinta ee la saxiixay bishii September. “Tallaabada ugu caqliga badan ee ay Israa’iil qaadi karto ayaa ah inay Turkiga soo jiidato oo ay ku soo darto ciidamadaas,” ayuu adkeeyay Barrack.

Ugu dambeyntii, Barrack ayaa xusay in xiriirka Erdogan uu la leeyahay kooxda Xamaas uu fure u ahaa heshiiskii lagu sii daayay la-haystayaasha Israa’iiliyiinta ah, arrintaas oo suurtagal noqotay maadaama Ankara aysan Xamaas u aqoonsaneyn koox argagixiso. Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa Isniintii kulan la yeeshay Barrack, kaas oo ay labada dhinacba ku tilmaameen inuu ahaa mid “wax-ku-ool ah.”

- Advertisement -

Read more

Local News