Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa shaaca ka qaaday inay soo deyneyso 118 Maxaabiis Somali ah oo ku xir xiran dalka Hindia.
Dowladu waxa ay sheegtay in Maxaabiistaasi ay howshooda socto isla markaana la doonaayo in lagu soo daayo sida ugu dhaqsiyaha badan.
Ra’isul wasaare ku-xigeenka Somalia Mahdi Maxamed Guuleed, oo arrintaani faahfaahin ka bixiyay ayaa sheegay in deysmada 118 Maxaabiis ay imaaneyso wixii ka danbeeya Bisha August.
Ra’isul wasaare ku-xigeenka waxa uu tilmaamay in 1-da Bisha August ay dalka Hindia u safri doonaan Wasiirka caddaaladda iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo dowlada India kala hadli doona howlaha Maxaabiista.
Waxa uu Ra’isul wasaare ku-xigeenka carab dhabay in wafdiga aadi doona dalka India ay dowlada Hindia wadahadal kadib kala soo wareegi doonaan 118 Maxaabiis Somali ah oo ku xir xiran dalka Hindia, sida uu hadalka u dhigay.
Maxaabiistaas oo aan wali la xukumin ayuu sheegay in lagu xukumayo dalka Hindia kadibna ay Maxkamadeynta kaddib ay la soo wareegayaan.
Waxaa uu intaas ku daray in ay qabsadeen Qareen caalami ah oo arrintaas ay u kaashanayaan,waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyay in maxaabiistaas Soomaaliyeed ay dalka dib ugu soo laabtaan dhawaan.
Si kastaba ha ahaatee, talaabada ay dowladu kula soo wareegeyso Maxaabiista ku xiran Hindia ayaa kusoo beegmeysa xili dowlada India ay soo saartay sharci dhigaaya in lala wareegi karo Maxaabiista ku xiran dalkeeda.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]