25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Dowladda Sacuudiga oo dib u dhigtay wafdi ay usoo diri laheyd Somalia + Sababta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa dib u dhigtay wafdi ay usoo diri laheyd Somalia, kuwaa oo la qorsheeyay in DF ay ku cadaadiyaan ku biirista go’aanka looga soo horjeedo Siyaasada Qadar.

Wafdiga ayaa la sheegay inay badan yihiin isla markaana loo kala diri doono dhamaan dalalka Carabta, si ay u taageeran mowqifka naceybka loogu muujinaayo dowlada Qadar.

Wafdiga Sacuudiga oo imaanshihiisa lagu soo wargaliyay DFS, ayaa waxaa hadana dib u dhac ku imaaday booqashadooda Somalia, waxaana loo maleynayaa inay sabab u tahay go’aanka lama filaanka ah oo DF ay dhex dhexaad uga noqotay xiisada.

Waxaa suuragal ah in wafdiga Sacuudiga uu dib uga laabtay go’aanka booqasho, kadib markii ay dowladu qaadatay qaraar adag, oo ay uga gaashamaneyso la safashada dowlad gaara.

DFS ayaa maalin un ka hor cadeysay mowqifkeeda ku aadan khilaafka wadamada Khaliijka, iyadoo ku baaqday in wada hadal iyo is faham lagu xaliyo, sidoo kalena ay gacan ka geysaneyso xalinta khilaafka u dhaxeeya walaalaha carbeed.

Dhinaca kale, Dowladda Sacuudiga ayaa balan qaaday in Soomaaliya ay ugu deeqeyso dhaqaale xoogan, oo lagu fulinayo mashaariic horumarineed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News