Dowlada Somalia oo go’aan adag qaadatay kadib xarigii wasiir ku xigeenka dibeda

Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti dhowraha Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye), ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Somalia aysan u arxan fali doonin kuwa ku shaqeysta musuqa.

Waxa uu Hanti dhowraha sheegay inay jiraan shaqsiyaad badan oo isha lagu hayo kuwaa oo hadii ay kusoo cadaato kiisaska baaritaankooda ay muteysan doonaan xarig.

Waxa uu tilmaamay in arrin adag ay tahay in indhaha laga qabsado ficilada kuwa dhaqanka iyo caadada ka dhigtay musuqa Hanti Qaran waxa uuna ku goodiyay in sharciga uu noqon doono mid ku xoogeysta dalka.

Hanti dhowre Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye), ayaa tilmaamay in Qaranimada Somalia ay tahay mid ku jirta in la kala saaro kuwa musuqa caadeystay iyo kuwa wanaagsan, sidaa aawgeed ay muhiim tahay in laga hortago cid waliba oo halis ku ah Qaranka.

Sidoo kale, waxa uu carab dhabay mar uu saxaafada la hadlaayay in sharciga ay u siman yihiin dadka Soomaaliyeed,sidaa aawgeed la doonaayo in mas’uul waliba uu ka fiirsado qaabka shaqadiisa.

Geesta kale, waxa uu sheegay inaan lagu khaldami doonin cid aan waxba galabsan, hase yeeshee qofkii loo xira musuq ay micnuhu tahay inaan loo weyn cadeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com