Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday inay baaritaan ku sameyso cudurka uu Sucuudigu sheegay inay qabaan xoolaha Soomaaliya.
Wasiirka xanaanada Xoolaha ayaa xaqiijiyay in xoolaha Soomaaliya ay caafimaad qabaan, cudurka uu Sucuudiga sheegayana uusan ahayn mid laga garanayo dalka Soomaaliya.
Wasiirka Xaanada Xoolaha dowladda Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in ay baaritaano ay ku sameeyeen xoolihii laga soo celiyay dalka Sucuudiga ,islamarkaana aysan wax cudur ah qabin.
Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaalo kala duwan oo ay ku doonayso in dowladda Sacuudiga ay dib ugu fasaxdo xoolihii laga dhoofin jiray Soomaaliya.
Dowlada Sacuudiga ayaa todobaad ka hor sheegtay iney joojisay xoolihii ka dhoofsan jirtay dalka Soomaaliya, kadib markii cuduro laga helay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]