Uganda oo jawaab ka bixisay hadalkii kooxda Al-Shabaab

Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa war cusub kasoo saartay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka ciidamada milatariga Uganda oo lagu magacaabo Brig Gen Felix Kulayigye ayaa beeniyey hadalkii kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ee ahaa inay askar ka tirsanaa ciidamada Uganda ku dileen qaraxaas oo uu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa.

Brig Gen Felix ayaa shaaca ka qaaday in askartooda ay badqabaan, islamarkaana aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in askar looga dilay weerarkii ka dhacay magaallo xeebeedka Marka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ciidamadooda oo qayb ka ah howlgalka ATMIS ee Ururka Midowga Afrika ay haatan howlgallo ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose, ayaga oo amniga ka taageeraya ciidamada Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa horey u shaacisay in illaa 12 askari oo ka tirsanaa ciidamada Uganda ay qay ka ahaayeen dadkii ku dhintay weerarkii is qarxinta ee ka dhacay degmada Marka.

Uganda ayaa ka mid ah dalalka ka qayb qaata dagaalka Al-Shabaab  waana dalka ugu badan ee ay ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya.

Sikastaba, waxaa weerarkii Markii toos loola beegsaday oo ku dhintay guddoomiyihii maamulka degmadaasi Cabdullaahi Cali Waafow iyo dad kale oo ay ku jiraan askar.