Al-Shabaab oo meel fagaare ah ku dishay 7 qof + Sababta

Baydhbao (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe goob fagaare ah ku dishay ku dhowaad 10 nin oo lagu eedeeyey inay ahaayeen basaasiin, waxaana lagu toogtay fagaare weyn oo ku yaalla deegaanka Buulaay ee gobolka Baay.

Raggan oo gaaraya illaa 7 nin ayaa lagu toogtay hal goob, sida ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka kooxda Al-Shabaab, waxaana halkaas ku sugnaa dadweyne fara badan.

Maxkamad hoostagta Al-Shabaab ayaa sheegtay in ragga la dilay inay ahaayeen basaasiin u shaqeynayey dowladda Soomaaliya, Mareykanka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Halkan hoose ka aqriso magacyada ragga la toogtay:-

1-Cadaawe Cabdullaahi Dhicisow oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen inuu la shaqeynayay sirdoonka Mareykanka, uuna u gudbiyay warbixino ku saabsan saraakiisha Al-Shabaab.

2-Cali Maxamed Madoowe oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen inuu Koonfur Galbeed kala shaqeeyey weerar ay ku dileen saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab.

3-Ceymooy Geedi Aadan oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen inuu la shaqeynayay maamulka Koonfur Galbeed, uuna ku soo hoggaamiyay rag ka tirsan Al-Shabaab oo horey la dilay.

4-Towfiiq Jinow Aadan oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen inuu la shaqeynayay Mareykanka, Isla markaana uu ka qeyb qaatay duqeyn lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab.

5-Colaad Cabdiraxmaan Maxamed oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen inuu la shaqeynayay Mareykanka, uuna qeyb ka ahaa duqeyn lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab.

6-Mayow Maxamed Yarow oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen inuu ka tirsanaa ciidamada Koonfur Galbeed ee jooga  Diinsoor, kaas oo dhowr jeer la dagaalamay Al-Shabaab.

7-Cabdiraxmaan Isaaq Ibraahim oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen inuu la shaqeynayay Mareykanka, uuna ka qeyb qaatay duqeyn lagu dilay saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab.