Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay dhaawaca wariye Maxamed Maxamuud Tima-Cadde oo saakay lagu dhaawacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo tagay Isbitaalka Madiina oo la geeyay dhaawaca Tima-Cadde ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin dhaawaca soo gaaray wariyaha.
Wuxuu sheegay in weerarkaas uu muujinaayo sidda ay u doonayaan kooxaha nabad diiddka in la baahiyo nabadda iyo horrumarka ka jirra caaasimada.
Sidoo kale, xoghayaha ururka Nusuj garabka Pakistan ayaa cambaareeyay iyana weerarkaas, waxaana dowladda ay ka codsadeen in ay ilaaliyaan bad-qabka wariyaasha ka howlgalada Muqdisho.
Dhinaca kale, waxaa laga soo saaray qolka qaliinka wariye Tima-Cadde kaasoo hadda la jiifiyay mid ka mid ah qolalka Isbitaalka Madiina.
Wariyaha ayaa la sheegay in ay ku dhaceen lix xabadood, waxaana ugu daran mid uga dhacday caloosha.
Ma jirto illaa hadda koox shegtay dhaawaca wariyaha, waxaana socda baaritaan sida ay lee yihiin saraakiisha dowladda.
Halkan hoose ka dhageyso Codka Afhayeenka
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

