Xaalka Wariye Tima-Cadde oo halis ah

Kampala (Caasimada Online) Wariye ka tirsan Shabakadda Caasimada Online oo goordhow tagay Isbitaalka Madiina oo la dhigay wariye Maxamed Maxamuud Tima-Cadde oo saakay kooxo hubeysan ay dhaawaceen ayaa soo sheegaya in xaaladda wariyaha ay tahay mid halis ah.

Tima-Cadde ayaa la sheegay in lagaliyay qolka xaaladda degdega ah halkaasoo lala tacaalayo dhaawaca soo gaaray.

Wariyaha ayaa la sheegay in ay ku dhaceen lix xabadood waxaana ay uga dhaceen jirka qaybta kore sida ay lee yihiin dhakhaatiirta la tacaalaysa wariyaha.

Wariyaha ayaa la sheegay in xaalad miir-dabool ah uu ku jirro, waxaana laga deyrinayaa xaaladiisa caafimaad maadaha meello khatar ah ay xabadaha uga dhaceen.

Si kastaba, waxaa Isbitaalka ku sugan wariyaal badan oo qaar kood ay ka socdaan TV-ga Universal.

Si dhab ah looma oga ujeedka loo dhaawacay weriye Maxamed Maxamuud Tima-cadde, oo ka tirsan howl wadeennada Talafishanka Universal xaruntiisa muqdisho.

Wariyaha ayaa dhowr jeer la sheegay in uu la kulmay hanjabaad waxaana uu ka badbaaday isku day dil sida uu lee yahay wariyaha Shabakadda Caasimada Online.

Soomaaliya waxa ay kamid tahay meelaha ugu khatarta badan ay ka howlgalaan saxaafadda waxaana sannadkii hore lagu dilay 18-wariye.

1 2 3 4

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kampala

Caasimada@live.com