Dowladda Kenya oo Garoomada Diyaarada dhigtay liis ay ku qoran yihiin Xildhibaano iyo Siyaasiyiin

Dowladda Kenya ayaa dhowaan uga digtay Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin horey xilal uga soo qabtay Soomaaliya in gudaha dalkeeda aan lagu mucaaradi karin dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, iyagoo haatan wararka aan helayno sheegayaan in garoomada dalkaas la dhigay liis ay ku jiraan Xildhibaano iyo siyaasiyiin caan ah, kuwaas oo ku lug leh qorshaha looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya.

Madaxda Kenya ayaa xiriir dhow la leh dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo, waxayna dalkeeda ka mamnuucday tiro Xildhibaan, Ganacsato dhaqaale ku leh dalkaas oo digniin loo diray iyo siyaasiyiin caan ah oo dhammaantood rabay in ay ka bilaabaan Kenya mucaaradnimo.

Sida aan xogta ku helayno liis dheer oo khamiistii shalay la dhigay garoomada ayaa waxaa  ku qoran magacyada shaqsiyaadka aan soo geli karin Kenya , waxana tani ay dhabar jab weyn ku tahay ololihii ay wadeen Xildhibaanada qaar ee la rabay in lagu rido Xukuumadda R/Wasaare Khayre laguna carqaladeeyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

Guddoomiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Xil. Aadan Barre  Ducaale  oo todobaadkii hore warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in dowladda Kenya ee uu ugu horeeyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta aysan marnaba ogoleyn in laga mucaarado dowladda Soomaaliya magaalada Nairobi.

“Dowladda Kenya xiriir weyn ayaa kala dhaxeeyo dowladda Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre waa ka dambeeynaa, ninkii raba inuu meelaha ka mucaarado dowladda Kenya ma ogolo, fursad hala siiyo ayaa leenahay yaan kabaha lala korin”ayuu yiri Aadan Barre Ducaale.

Tallaabadan ay qaaday dowladda Kenya ayaa u muuqata mid sii xoojinaysa xiriirka adag ee ay wadaagaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta, iyadoo meesha ka saaraysa kooxo badan oo dalkaas ka wadi jiray falal liddi ku ah dowladnimada oo ay adeegsanayeen dalal shisheeyo oo kamid yahay Imaaraadka Carabtu.