Dowladda Kenya oo seddex sharuud ku xirtay xal laga gaaro xiisadda Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa soo bandhigtay saddex shardi oo ay dooneyso in lagu xaliyo muranka diblomaasiyeed ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Xogahayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau ayaa sheegay in Kenya ay rajeyneyso in saddexdaas shuruud laga soo baxo si dib loogu soo celiyo xiriirka diblomaasiyeed ee labada dal.

Sharuuda Koowaad ayaa lagu sheegay inay tahay in Soomaaliya ay ka noqoto qeybta qariiradda Badda oo Kenya ay u aragto inay leedaha, kuwaas oo xirmooyin shidaal oo ku yaalla lagu suuq geeyay shirkii ka dhacay magaalada London.

Qodobka labaad ayay Kenya ku dalbatay in dowladda ay ogeysiiso dhammaan shirkaddihii baayacay xirmooyinkii dhulka shidaalka ee ay ku soo bandhigtay shirkii London, una cadeyso in aysan Soomaaliya dhulkaasi laheyn.

Qodobka Seddexaad Kenya ku sheegtay in wada xaajood ay labada wadan ka galaan arrinta muranka badda, oo ay ka gaaraan xal walaalnimo, iyada oo aan la marin maxkamadda caalamiga ah ee Hague ee ay hadda dacwadooda taalo.

Dowladda Soomaaliya ayaa qoraalkii xalay kasoo baxay waxaa ay ku sheegtay in marnaba aysan iib geyn xirmooyin shidaal oo ku yaalla dhul ay Kenya leedahay.

Dowladda Soomaaliya waxa ay sidoo kale sheegtay in aagagga ay ku yaalaan xirmooyinka shidaal ee ay yaboohday ay waafaqsan yihiin go’aanada maxkamadda ICJ, islamarkaana aysan iib-geyn wax xirmooyin shidaal ah oo ku yaalla dhul-badeedka lagu muransan yahay.

Soomaaliya waxay ay sheegtay in Kenya u xaqiijineyso inaysan qaadan doonin go’aan hal dhinac ah, oo ay dhaq-dhaqaaqyo uga sameeyneyso dhul-badeedka lagu mursan yahay ka hor inta maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee iCJ ay go’aan ka gaareyso kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya waxa ay sidoo kale sheegtay in Kenya ay u xaqiijineyso in marka ICJ ay gaarto go’aankeeda ay ixtiraami doonto una hoggaansami doonto.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimad@live.com