Dowladda Mareykanka oo amar culus siisay Eritrea

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa bilowday cadaadis xoog leh oo ay saareyso saraakiisha sare ee Eritrea waxayna ku amartay in Eritrea ay deg deg  ciidamadeeda kala soo baxdo gobolka Tigray ee dalka deriska yihiin ee Itoobiya, inkasta oo Eritrea ay ku adkeysaneyso inaysan halkaas ciidamo ka joogin.

Xukuumadda Washington oo cuskanaysa cadeymo ay heshay ayaa walaac xoogan ka muujisay tacadiyo ay sheegtay in  Ciidamada Eritrea ay ka geysteen gobolka Tigray oo dabayaaqadii sanadkii hore uu ka dhacay dagaal sababay dhimasho badan.

Wakaalada The Associated Press oo soo xiganeysa Sarkaal ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa baahisay in Eritrea ay xasuuq iyo dhac ba’an ka geysatay gobolka Tigray,  taasi oo keentay in Mareykanka uu madaxda sarre ee dalkaas ka dalbado inay deg-deg ugala baxdo ciidamadeeda.

Eritrea ayaa weli ka madax adeygaysa qirashada in ciidamadeedu ay ku sugan yihiin Tigray, isla markaana ay hore uga qeyb qaateen howl-galkii ay xukuumadda Abiy uga saartay gobolkas maamulkii gacanta ku hayay ee TPLF.

Hoggaamiyeyaasha Tigray ayaa culeys iyo faquuq gaar ah wajahayay tan iyo markii uu ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu xafiiska qabtay 2018, dhinac walbana wuxuu u arkaa kan kale “mid aan sharci ahayn”.

Itoobiya ayaa iyaduna sidoo kale dhinaceeda dhowr jeer beenisay joogitaanka askarta Eritrea, kuwaas oo lagu qiyaasay kumanaan Askar ah. 

Waxaa hadda isasoo taraya walaaca inay ciidamada Eritrea ay diidaan inay baxaan, maadama ay hore u jirtay cadaawad kala dhaxeysa hogaamiyaasha baxsadka ah ee Tigray, kadib dagaal xadka labada dal ee labaatanka sano socday, oo soo afjarmay imaatinkii Abiy.

Wasaaradda warfaafinta ee Eritrea ayaa maalintii Khamiistii daabacday bayaan ay soo saartay safaaradda dalka ee Mareykanka oo ay kaga jawaabeyso warqad furan oo toddobaadkan ay soo direen danjirayaashii hore ee Mareykanka u fadhiyay Itoobiya taas oo ay ku muujiyeen walaac ku saabsan colaadda Tigray iyo ku lug lahaanshaha Eritrea.

Hadalka danjireyaashan ee ku saabsan dagaal dhuleed oo u dhexeeya Eritrea iyo Itoobiya wuxuu noqon karaa oo kaliya mid aan laga fiirsanaynin kana kooban ujeeddo, “ayaa lagu yidhi bayaanka Eritrea, oo lagu muujiyey” argagax weyn oo laga qabo duullaankooda daan-daansiga ah.

Gobolka Tigray ayaa ah mid inta badan laga jaray dibedda, Itoobiyana waxay ka hor istaagtay dhammaan saxafiyiinta inay soo galaan, taasoo sii adkeynaysa dadaallada lagu xaqiijinayo sheegashooyinka dhinacyada dagaallamaya.

Dhanka kale, shaqaalaha samafalka ayaa fursad xadidan uhelay qiyaastii 6 milyan oo qof oo ku dhaqan Tigray, maadaama cunada iyo sahayda kale ay gabaabsi yihiin iyo walaaca laga qabo macaluusha.

Xaaladda “way ka sii daraysaa maalin kasta, daqiiqad kasta,” ayuu yiri madaxweynaha ururka Laanqayrta Cas ee Itoobiya, Ato Abera Tola oo saxaafadda la hadlay, xilli hay’adaha Laanqayrta Cas ay codsadeen taageero dhaqaale oo dheeri ah. 

“Ma jiro aag aan saameyn ku yeelan khilaafkan, waana mid meel walba ka jira,” ayuu yiri.

Madaxa wafdiga Ethiopia ee gudiga caalamiga ee laanqeyrta cas ayaa sheegay in wali aysan u suuragalin inay gaaraan dhulka miyiga ah ee Tigray, oo ah dhul beeraley u badan, maadama ay ka go’an yihiin dalka intiisa kale.

Xaalada Tigray ayaa si weyn looga deyrinaya tan iyo markii uu bilowday dagaalka Abiy iyo hogaanka baxsadka ah ee TPLF, inkasta oo ay xukuumaddu sheegtay inuu dhamaaday dagaalka haddana waxa gobolkaas ka socda tacadiyo ka dhan ah bini-aadantinimada.