DF oo faahfaahin ka bixisay howlgal lagu laayey Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay howlgallo culus oo lagu laayey Al-Shabaab, kuwaas oo isugu jira duqeymo iyo dagaal toos ah, inta badan howlgalladaas ayaa ka dhacay gobolka Mudug.

War ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgaladaas lagu dilay in ka badan 30 Shabaab ah, waxaana tirada ugu badan lagu dilay duqeyn ka dhacday deegaan lagu magacaabo Carfuuda oo ka tirsan gobolka Mudug.

“In ka badan 30 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howlgal milateri oo ay iska kaashadeen Ciidamada Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamiga ah oo laga fuliyay deegaanka Carfuuda oo qiyaastii 20 km Waqooyi Bari kaga beegan magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sida lagu sheegay warka dowladda, hawlgalka waxaa lagu beegsaday labo arrimood oo kala ahaa, mid ay isku abaabulayeen maleeshiyaad Khawaarij ah iyo xarun ay ku diyaarinayeen qaraxyo.

“Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa sidoo kale ku guulaystay in ay burburiyaan dhammaan saanaddii Khawaarijta oo ay ku jiraan gawaarida dagaalka iyo kuwa ay qaraxyo u diyaariyeen,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii warkaan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya waxaa lagu yiri, “Hadafka ugu wayn ee dowladda ayaa ah in Khawaarijta lagu beegsado goob kasta oo ay gabaadsadaan si dadkeena iyo dalkeena looga xoreeyo cadawga Khawaarijta.”

Dowladdu faahfaahin kama bixin dagaal culus oo xalay ka dhacay deegaanka Xawaadley ee waqooyiga Muqdisho oo hoos taga degmada Balcad, halkaas oo Shabaab ay soo weerareen, balse lagu jebiyey.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, Al-Shabaab waxay xalay qorsheeyeen inay cagta mariyaan ciidanka jooga Xawaadley oo isugu jira xoogga dalka iyo kuwo deegaanka ka soo jeeda oo xaq u dirir ah, balse waxaa la helay xogtooda, waxaana looga hortegay duleedka magaalada, halkaas oo jab culus lagu gaarsiiyey.